Wednesday 13 July 2011

AGOONKII CABSIDA EEBBE DUGSADAY.(Qeybta Afaraad) Dhammaad

Dagaalkii Culumaa’udiinka ٍSoomaalida ay kala hortageeyn Gumeysigii yurub iyo Xabashida.

Haddaba  waxaa haboon ineynu  Qiyaas ka qaadano  dabeyshii  Gumeysiga ee waqtigaa dhcaysay ee Xaaji Max’ed Gobdon hortiisa ka muuqatay. Anagoo xooga saareyna Taariikhdii bulshada Soomaaliyeed  wajiyadeeda aan dabiiciga ahayn iyo halkay kaga jirtay dhaq-dhaqaaq ahaan bulshooyinka ay is dugsadaan iyo kuwa ay danhooda is taabtaan.

Waa hubaal inay adag tahay in ummad taariikhdeed  lagu soo koobo bogag aan badneyn, weliba markay tahay mid xadaraddeedu  qarniyo soo dhismeysay, hase ahaatee gumesigii isku deyey inuu midnamadeeda baab’iyo. Iyo jiritaankeeda.

Taariikhda Soomaaliyeed marka laga eego sheekooyinka facba-faca kale uu soo gudbiyey ay dib u guraneyso in ka badan laba kun sano Nebi Ciise Eebbe N N K H.  ka hor waa mid isla markaa xiriirka ay dibadda la lahayd ka sokow ee xaqiijineysa in dadka Soomaaliyeed hooygoodu ahaa Geeska Afrika. Taas markaan ka soo gudubno waxaan imaaneynaa muddoyinkii dambe oo aadanaha u suurtowday inuu xasuustiisa qoraal ku keydiyo oo dhaxal uga dhigo kuwa ka dambeeya. Arrinkaas oo muddo ka dib taariikhda Soomaalieed baal ka heshay marka dib loogu noqdo waxaa laga helayaa waxyaalo badan oo noloshii Soomaaliyeed tilmaan fiican ka bixinaya. Qoraal ahaan taariikhda Soomaaliyeed waxaa diiwaanada taariikhda laga helayaa laga soo bilaabo Farowgii Ramsiis markuu ka talinayey dalka Masr ee xaaskiisa boqoradii Hatsabshuud oo dalka Soomaaliyeed oo markaa loo yaqaanay dhulkii fooxa ( Punti) booqasho ku timid. Taas waxay inoo caddeyneysaa ganasigii baaxadda weynaa ee ka dhaxeeyey Soomaalida iyo Masaarida.

Muddooyinkii dambe cagta socotada dalmareenadii Carabta, Shiinaha iyo reer Yurub kumey yareyn Geeska Afrika. Nasiib wanaag kulligood wxay ka tageen qoraallo sawiro fiican ka bixinaaya dalka iyo dadka Soomaaliyeed kuwaasoo dhammaantood xaqiijinaya qoto dheerida ilbaxnimada Ummadda Soomaaliyeed. Waxaa kaloo radadka socotadaasi reebeen caddeynayaan in dadka Soomaaliyeed ahaayeen dad madax bannaan oo leh xeerar iyo hab ay ku jeexaan noloshooda maalmeed iyo mida dheerba.

Noloshaas aan tilmaanay oo turxaanta ka reeban waxay ahayd mid dadyowga Afrika ay ka sinnaayeen isdhexgalka wax isweydaarsiga iyo isu soo dhawaanta Ummadda Afrika taasina waxay ahayd mid qof kasta qushuuc ku reebtay, lagu waarin waa la carqaladeeyey. Si lama filaan ah baa saan-caddaale majaheedii madaxa u rogay. Waqtigaan aannu sheegeynaa waa maalmihii gumeysiga reer Yurub isagoo waabay seyraya xeebaha Afrika ka soo degay. Waa qarniyadii 15aad ilaa 17aad.

Gumeysigii Afrika yimid siyaabo badan oo kala geddisan buu noloshii degeneyd u carqaldeeyey. Baqdin iyo walwal badan baa abuurmay. Is aaminkii baa dhinta, maalinba maalinta ka dambeysa midabkiisii bvaa isbeddelay. Habkii iyo xeerkii jiray huf iyo barkumataal aan waxba ka jirin buu ka dhigay. Dadkii Afrika gabalkaa u dhacay      .
Intii ka horeysey 1884tii oo ah waqtigii dhab ahaan loo qeybsaday qaaradda Afrika, dhibaatooyinkii dadka Soomalaiyeed ka so gaarayey isticmaarka waxay ahayayeen kuwo la wadaqa waxyeelada Afrika inteeda kale Geeska AFrkia oo ah deegaanka dadka Soomaaliyeed muhimadda u yeeshay waxy aad u taabatay gumeysiga 1896kii markii la furay qooira Suweys.

gumeystayaasha oo ganacsigoodu  ku baahsanaa AFrika, Aasiya iyo Laatiin Ameerika ugu danbeyntiina ku arooeayey Yurubta Galbeed oo ahayd Xaruunta laga maamulo dalalka la gumeysto iyo gnacsasigoodaba. Furitaanka Qooriga Suweys waxay u ahayd fursad kordhisay fudeydkii socodka ganacsigooda iyo maamulka dalalkey gumeysanaayeenba. Dalalakii ku xeernaa Qooriga Suweyes waxay noqdeen kuwo ay ku soo qamaamaan dalalkii markaas isticmaarka ugu madax taagnaa.

Dadkii Soomaaliyeed oo aan marna ka nasan daafaca Diintooda deegaankooda iyo danaha dalkooda, intii ka horeysay 1866kii waxay ahaayeen dad indhahoodu Xabashida oo keliya ku jeedeen oo aan cadowgooda kale badneyn.

Markeynu xasuusteena ka soo gudbino iska hor imaadyadii faraha badnaa ee dadka Soomaaliyeed ku waabiyeen gardarooyinkii kaga imaanayey boqoradii Xabashida ee uu ugu weynaa halgankii As Sayid Axmed Gurey weeradii Xabshi 1533kii, dadka Soomaaliyeed waxay ahaayeen kuwo marna gobanimadooda, Diintooda, dhaqankooda iyo noloshooda gaarka ah aan la carqaladeyn ka hor isticmaarka reer Yurub.

Isticmaarka reer Yurub oo isku mar weerar ku so qaaday dalka Soomaaliyeed waxay ahaayeen kuwo dano kala geddisan iyo ujeeddooyin siyaabo kala duwan ay u arkayeeen lahaa.

Weerarkaa gumeystayaasha kuwii gacan weyn ka geystay dhaawaca ugu weyn Ummadda Soomaaliyeed gaarsiiyey waxay ahaayeen dowladihiii Xabashida, Ingiriiska, Talyaaniga iyo Faransiiska. Dowladda Xabashida waxaya ahayd midda qura ee faa’iidada ugu weyn ka heshay bobkii qaaradda Afrika. Waxaa gacan siiyey dowladihii isticmaarka oo dhan  ha uguba horeeyeen Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga iyo Ruushka.

Gumeystayaashu, Xeebaha Soomaaliyeed markey yimaadeen waxay heshis saaxiibtinimo la galeen dadka Soomalaiyeed ayadoo ujeedadoodu ahayd in laba dhanba danahay leeyihiin la ilaasho. 1884kii baa Ingiriisku Xeebaha ku wateegayey muddo, Odayaashii Soomaaliyeed la galay heshiis dhigayey in la ilaasho xorriyada iyo midnimada Soomalaiyeed isgana loo fuliyo danahuu markaa codsaday. Heshiikskaas waxaa ku jiray gobolada Galbeed oo dhan.

Sidoo kale intii u dhexeeysay 1884kii – 1886kii baa Faransiiska dadka Soomaaliyeed ee xeebata Soomaaliyeed (Jabuuti)  degganaa la galay heshiis la midab ahaa ka Ingiriiska. Talyaaniga oo isugu yimid xeebta Soomaaliyeed 1889kii ayna ka hor yimaadeen dhibaatooyin badan oo ay dadku ku diidayeen. Wuxuu ugu dambeyntii heshiis la mid ah kii Ingiriiska  iyo Faransiiska la galay dadkii Soomaaliyeed ee Koonfurta degganaa 1891kii, isagoo gacan ka helaayey Ingiriiska iyo Faransiiska oo Soomaalida inteeda kale gacanta ugu jirtay.

Inkastoo isticmaarka xeeshiisu goor kasta u qarsoon tahay badanaa Soomaalidu waxay heshiisyadaas u arkayeen kuwo daacad ah oo mindnimadooda iyo danahooda lagu ilaalinaayo oo aan marna ka hor imaanayey.

Nasiib darro isticmaarka oo ujeeddooyin kala gaar ah lahaa, waxay dadkii Soomaaliyeed u loogeen cadowgii ay weligood waabinayeen ee Xabashida, oo dalka Soomaaliyeed waax weyn oo ka mid ah gacanta u gasheen. Intii hartayna waxay ugu tunteen si naxariis la’aan ah. Isticmaarku isagoon u kala harin waxay heshiisyo danahooda ay ku meel marinayaan la galeen Xabashida iyagoo u tartamayey isna garbinayey.

Faransiiska iyo Xabashida waxay heshiis Soomaalida lid ku kala saxiixdeen 1897kii iyadoo danta Farasiisku ahayd in ganacsigiisu u gudbo gudaha isagoo maraya dekedda Jabuuti iyo inuu gacan ku yeesho webiga Niil. Heshiiiskaasu wuxuu ahaa mid qeexaya xudduud ku sheegga xeebta Jabuuti iyo Xabashida. Isla sanadkaa waxaa Ingiriiska iyo Xabashidu galeen heshiis qeexaya gobolada Woqooyi ee Ingiriisku waagaa gacanta ku heystay iyo goboladii Soomaaliyeed ee Xabashida u gacan galay xudduud ku sheeg inkastoo Talkyaaniga iyo Xabashida isla sanadkaasi ay heshiis wada galeen oo ay isku dayeen inay sameeyaan xudduud ku sheeg dhex maraya dhulka Soomaalida ka boobeen, waxaa ka dhex dhashay is afgaran waa muddo socday. Ugu dambeyntii waxay qeybsashadii gobolada Soomaaliyeed ku heshiiyeen 1908dii.

Heshiisyadaas lagu qeybsanayay Dhulka Soomaaliyeed ma ay ahayn kuwo kulligood lagu gor gor tamaayay Xabashida oo kaliya ee isticmaarka cadi naftoodu waxay galeeyn heshiis u qeybinayay dalka Soomaaliyeed oo xuduud beenaad u kala dhex dhigaayay.

Ingiriiska iyo Faransiiska waxay xuduudkaas isla meel dhigeen 1888dii, Talyaaniga iyo Ingiriiskuna 1891kii.

Heshisyadaas dhan walba u socday midabada badan  lahaa faa’iidada ugu weyn waxaa ka heshay Xabashada. Abaal gudka Xabashada meel marinta danaha isticmaarka Cad ay ku heshay wuxuu ahaa dhulka Soomaaliyeed gobollo ka mid ah ee weli isticmaarkeeda ku hoos jira.

Dhanka kale markaan ka eegno Xabashida oo ahayd dowlada qura ee Africa soo dhaweynta diyaarka ula aheyd isticmaarka Cad kuna qaraabaneysay magaca masiixiyada iyada oo Reer galbeedku u aqoonsan yihiin Dowlad madax banana waxay si  deg deg uga faaideysatay xiisihii loo hayay iyadoo ay u jeedadeedu ahayd qabsashada gobolo kale oo dad madoobi ku nool yihiin iyo ku gacan adeega kuwii markaa u soo howday. Waxay isticmarka ka codsatay hub ay danahooda ku ilaaliso in la siiyo. Isticmaarka cadi dhago nugul buu ku aqbalay codsigaas Xabashida.

Xabashida ayada oo adeeg sanahaysa hubkaas casriga ah, lana dagaalameysa dad toorrey iyo warmo mooyee aan wax kale heysan, waxay qabsatay intii u dhaxeysay 1881kii – 1889kii dhulal iyo dadyow badan oo ay ka mid ahaayeen Kafa, Gimma, Aruursi, Walaaga, Harar, ilyu , Baabuur, Guraage, Guntaad- Kulle, Baalle, Sidaamo, Walaamo, Booraano, Ogaadeeynya, Buuni- Shanguul iyo kuwo kale oo fara badan oo Ummado kala duwan oo kulligood  ka mid ah gobollada ay weli Xabashidu Gumeysato.

Halkaas waxaanu ka arki karnaa Xabashida sida ay uga faaideysatay isticmaarkii cadaa ee Africa soo weeraray iyadoo la safatay awood wax baab’in kartana yeelatay. Ugu danbeytiina shirkii dowladaha gumeysiga  Bruxel 1890kii bishii September, waxay go’aan ku gaareen in xabashidu tahay dowlad la siman iyo in Afrikaanka kale laga ilaasho hubka si ayna u
laciifin danta Xabashidu u fulineyso isticmaarka caalamiga ah.

Isticmaarku markuu arkey kaalinta Xabashidu uga jirto iyo in ay tahay marinka qura ee uu ku gaari karo ujeedooyinkiisa waqtiga dheer. Wuxuu 1906dii isaga oo wadajira ( Faransiis, Ingiriis, Talyani ) heshiis mideysan la galay Xabashida. Labada dhan isgarabsigaa waxay ka gaareen guul weyn. Soomaalida guushaas waxay u ahayd tumaati weli in badan xanuunkeedii   la taaheyso. Xabashidu nasiibkii waagaa soo maray bay weli sacabka u hoorsaneysaa  oo aan marna la soo marsiineyn in ay isticmaar iyo isticmaar kal kaal tahay, weli mar rumeysan in gumeysigeeda iyo gumeysiga reer galbeedku isku dhadhan yihiin.

In kastoo dadka Soomaaliyeed ay ku dhacday nasiib darada intaas le’eg ee dalkoodii lagu boobay hadana Taariikhda gumeysi-diidka Soomaaliyeed iyo ku mintidka gobonimadu waa mid ifiya. Intaan rasmi ahaan Soomaaliya loo qabsan marar badan oo gumeysigu isku dayay inuu dalka soo galo wuxuu kala kulmay dagaalo qaraar oo la isku hortaagay abaabulkoodana ay lahaayeen Culumaa’udiin. Dagaaladaas iyo mudooyinkii danbe is hortaagii Soomaalidu ku sameysay isticmaarka waxay muujinaayaan in ay Soomaalidu tahay dad jecel Diinta, Gobanimada iyo madax banaanida.

Ingiriisku inkasta uu soo galay Gobolada Waqooyi marna suurto gal uma noqon in uu si fiican u  qabsado intii ka horeysay dagaalkii aduunka ee koowaad, taasoo ka dhalatay ayadoo aan marno raali laga noqon oo ay is hortaageen Culumaa’udiinkii gobolkaa iyo ciidamo ay u abaabuleeyn jidbo diineed.

Sidoo kale Talyaanigii waxaa ka gaarey gobolada koonfureed dagaalo waaweyn Culumadu abaabushay. Waxayna qabsashada goboladaasi ku qaadatay 40sano, taasoo muujineysa Geed ageyga Soomaalida iyo niyadooda gumeysi diidka ah. Sida taariikhdu xusayso, Faransiiska iyo Xabashida naftooda dhib yari uma ay ledin dhulka soomaaliyeed ee waxay kala kulmeen jirdiid joogta ah oo kaga imaanayay dadka soomaaliyeed oo ay culumaa’udiin hubay janno galkooda ay hoggaaminayeen.

Xaaladda isticmaarka oo ah mid salkeedu yahay iska horimaad joogta ah, waxaa dabeecadeeda runta ah laga arkaayey midabkey dalka Soomalaiyeed la timid. Dhan waxaa taagnaa isticmaarkii Xabashida iyo isticmaarka caddaa oo doonayey iney addonsadaan dadka Soomaaliyeed, dhanka kalena shacbiga Soomaaliyeed oo ka soo horjeeday, doonayeyna inuu xor ahaado.

Muddo markii goobo walba wixii yaalay u jeestay iney isticmaarka iska celiyaan, waxaa muuqtay in xoogaggii Xabashida, Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga oo is garabsanaayaa ay hareereen, dhan walbana kaga yimaadeen dadkii Soomaaliyeed. Waxaa kaloo jirtay in dadka Soomaaliyeed loo diiday hub ay ku ilaashaan dadkooda, xoolahooda iyo dhulkooda taasoo kaliftay in dadka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaanba isu qeylo dhaanshadaan oo gacmaha isqabsadaan kana hortageen isticmaarka. Wajigaa cusub ee la dagaalanka isticmaarka wuxuu bilowday 1898dii markaas oo la hoos yimid abaabulkii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. Dhaqdhaqaaqaas Sayidku hoggaminayey wuxuu ahaa kii ugu baaxadda weynaa dadkoo dhana gaarsiisnaa.

Halgankii Sayidku wuxuu taam noqday 1907di markii halgannadii gobollada koonfureed a socdayna ay ku biireen. Halgankaas wuxuu gumeystayaasha u geystay khasaarooyin aad iyo aad u ballaaran oo mar marka qaarkood isticmaarka ku kalifayey iney dib uga fiirsadaan soo gelintaankoodii  Dalka

Mr. Doglas Jardine bug uu qoray oo la yiraahdo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan mar uu wax ka timaamay khasaaraha Ingiriiska ka soo gaaray dagallada culuma’udiinka Soomaaliyeed wuxuu yiri duulaankii 3aad iyo 4aad waxaa naga soo gaaray khasaaro ballaran xoolo ahaan marka loo eego waxaa nooga lumay maaliyad aan ka yareyn 5 milyan istarliin. Xagga dada waxaa nooga dhintay saraakiil qiimo badneyd oo ciidamadeena yari ayna ka maarmin. Run ahaantii Ingiriiska oo muddooyinkii dambe aad isu ciil kaambiyey wuxuu marar badan ku fakaray inuu gudaha ka soo baxo oo xeebaha ku ekaado, arrinkaasi oo 1910kii uu Ingriisku ku dhaqaaqi gaaray , taasoo ay ku kaliftay dhaqaalihii  xad  dhaafka ahaa ee dagaalka kaga baxayey.

Waqtigii Talyaaniga soo galay gobollada Koonfureed wuxuu ku jiray is ballaarin uu dalka ku qabsanaye. Maalinba taako ayaa gacanta uu soo galayey. Isagu wuxuu sida abuurka ka soo garguuranayey koonfur, barigana waxaa ka soo socday Ingiriis, waqooyina waxaa hoos ugu soo dhacayey Xabashida iyadoo Fransiiskuna qabsaday xeebta Jabuuti. Qorsho degsan oo qiyaas ku socda bay fullinayeen inkastoo mid waliba dantiisa gaarka ah gosha ugu jirtay, haddana aragtida guud ineyan iska horimaan Karin bay is fahamsiiyeen. Dadka Soomaaliyeed wax tixgelin ah oo midna siiyey ma jirin. Qodob lagala xishooday lama arag. Waxaa lagu abuuray cabsi joogto ah oo is hortaageysa urursanaan iyo ka hor tag. Waxaa la kala firdhiyay awoodeedii, waxa ciriiri la gashay noloshii caadiga ahayd iyadoo dhaqaalihii lagala dagaalamayey. Talyaaniga ujeeddadiisa ugu weyn waxay ahayd in boqortooyadii Talyaaniga lagu ballaariyo Bariga Afrika. Arrinkaas wuxuu si fiican u hirgelay u diyaar garowgiisii bilaabay 1930kii.
 
Taladiisu waxay u  ahayd inuu isku xiro Xamar iyo Asmara calankiisa hoos keeno Xabashida. Soomaalida iyo qowmiyadaha kale ee geeska Afrika ku nool. Dhacdooyin yar yar ka dib waxaa si fiican u soo ifbaxay u diyaar garowgii dagaalka ee Talyaaniga.

Wuxuu is dareensiiyey inuu u baahan yahay askar tiro iyo tayaba leh taasoo uu ka heli karaay dadkii Soomaaliyeed ee gacanta u galay iyo deegaanadii kale ee u dhowaa Soomaalidi ku nooleyd.

Talyaanigu wuxuu fidiyey dicaayad uu Soomaalida caqliga uga xadayo . Soomalaida oo ayan u kala sokeyn Xabashida, Talyaaniga, Ingiriiska iyo Faransiiska, markaas waxay taagneyd heer ay ciirsi la’dahay oo afartaas Dawaco mid wixii ka dilaaya ay iyaga janno geyn u ahayd.

Talyaaniga isagoo dareenkaas ka duulaya buu dadkii Soomaaliyeed ku dhex fidiyey inuu Xabashida jibinaayo oo Soomaalida dhulkeeda u soo gacan gelinaayo maamulkiisana faraha uga qaadayo warkaasi Soomaalida uga ma duwaneyn bihsaaro janno. Iyadoo yar iyo weyn aan look ala barin bey Soomaalidii xaruumaha Talyaaniga askarta ka qoraayey is soo tubeen.

Imaam Sheekh Xasan Sheekh Nuur Sheekh Axmed
“ Sheekh Xasan Barsane “ ( 1853 – 1927 )

Sheekh Xasn Sheekh Nuur Sheekh Axmed oo lo yiqiin Sheekh Xasan Barsane wuxuu dhashay sanadka markuu ahaa 1853, wuxuuna ku dhashay tuulada loo yaqaan Ubaadi oo u jirta qiyaas ilaa 68Km magaalada Jowhar, Gobolka Shabeelaha Dhexe, Soomaaliya.

Hooyadiis waxaa la dhihi jiray Xalima Hilowle Sheekh Xasan wuxuu ka soo jeeday qoys Somaali ah una saxiib ah Diinta Islaamka iyo fardooleey. Aabihii Sheekh Nuur wuxuu ahaa sheekh ka tirsan dariiqooyinka Raxmaaniya. Wuxuu ka dhex muuqday hoggamiyana u ahaa jameecadiisa.

Sheekh Xasna Sheekh Nuur Sheekh Axmed wuxuu bartay Qur’aan Kariimka isagoo ya, kuna bartay tuulada Unaadi wuxuuna barashada Diinta Islaamka ku bilaabay isagoo aan weli gaarin 10 jir halkaas oo la shegay in aabihiiis uu mashaa’ikhda Diinta bartaa ugu keenay. Markuu laabtan jirsaday ayeey isaga iyo aabihiis isku raaceen inuu sii kordhisto wax barashadiisa uu doonto iyadoo ay jirtay in aabihii uu mashaa’iikh fara badan ugu keenay halkii ay ku noolaayeen.

Shiikhii wuxuu aaday meel walbo oo uu ku tabaayay in cilmi uu yaalo oo uu ka sii kororsas karo meelaha uu cimliga u dontay dalka gudihiisa waxaa ka mid ahaa Mateey Aw Xasan oo ku taala Afgooye iyo Muqdisho. Sheekhu kama uusan zuulin inuu raadiyo cilmi isagoo markaana day dalka dibadiisa sida magalada Marka uu tagay laba jeer oo kala duwan wuxuuna halkaas ku soo gutay xajkii iyo cilmi uu raadinayay, wuxuu halkaas ku maqnaa muddo ka bdan saddex sanadood.

Sheekhu waxa uu halkasi kula soo kulmay Sheekh Maxamed Saalax oo sheekha ay dariiqada SAALIXIYADA ka soo jeedo ah.

Sheekh Xasan Barsane markii uu ku soo laabty dalka waxaa dalka soo buux dhaafiyay gumeyste kala duwan oo markaas iyo ka horba ku sugnaa dalka tan iyo intii ay dhacday qeybsashadii Afrika ( 1884 ) dalalka reer galbeedak oo ay ugu horeeyeen Ingiriiska, Faransiikam Talyaaniga iyo Boruqiiska aya soo galay dalkeena  hooyo ee Somaaliya. Sheekhu wuxuu ka biyo diiday inuyu ku hoos nooaado gumeyste isagoo ka doo biday inuu geeriyoodo isagoo dhawraya sharafta Diinta iyo dalka. Sheekhu wuxuu dhexgalay dadka isagoo jamciyay ciidan firadiisa lagu qiyaasay ilaa laabtan kun ilaa soddon kun ( 20,000 – 30.000). tababar dheer iyo wacyi gelin ka dib sheekha iyo ciidamadisii u kacay difaaca dalka iyo Diinta.

Waxaa ay la kulmeen hanjbaad iyo hujuum kaga imaanayay dhanka gumeystaha Talyaaniga oo iyagu markaas heestay dhamman koofurta Soomaaliya iyo Etiopia oo aheyd dalka kali ah ee Afrika kana  qeyb galay qeybsashada  dalalka Afirca ee Berlin 1884.

Sheekhu dhag jalaq uma siin dhamaan hanjabaadaas iyo baqdin galin taas kaga imaameysay dhanka Gumeystaha gumeystaha Talyaaniga xiligaasi waxaa Soomaaliya wakiil uga ahaa Jeneral la oran jiray Mario Devechio.
Si kastaba ha ahaatee Sheekha wuxuu go’aansaday inuu la dagaalamo.

Waqtigii ayaa dhamaaday waxaa bilowday dagaaladii fool ka foolka ahaa ee Sheekhu la galay gumeysihii. Sheeikha iyo gumeystaha waxay kulmeen marar badan iyagoo dhamaan dagaaladii uu la galay gumeystaha uu halkaasi kaga guuleystay. Waxaana dagaaladii u Sheekha la galay gumeystaha ka xusi karnaa :

·    Gumar Sheel ( 1905 ) waxa uu ahaa dagaalkii ugu horeeyay ee uu la galay Amxaardii oo markaas isku dayaysay inay la wareegto dhamaan dhulka Soomaaliyeed iyadoo markaas timid Taytayle
( Balcad ). Waxaa jiray dagaalo kale uu Sheekha la galay Ethiopia  ilaa markii danbe ay dalka ka baxaan

Waxaa kaloo ka mid ahaa dagaaladii uu la galay gumeystaha gaar ahan Talyaaniga oo aan ka xusi karno :

1.  Dagaalkii Buulo Barde oo dhacay 1922
2.  Ceel Dheere                                1922 iyo 1923
3.  Hilweyne                                    1923
4.  Jiliyaale                                     1924 
5.  Hareeriile                                   1924

Sheekh Xasan Barsane wuxu ku caan baxay inuu ciidanka ka bar bar dagaalamo isago dhiiri galin jiray una sheegi jiray wax yaalaha hadii ay ku dhintaan iyo hadii ay ka bad baadaanba haleyaan waxaan u wadaa Aakhiro iyo Aduun. Dagaaladii faraha badanaa ee uu la galay Sheekha wuxuu ku laayay rag faro badan oo ka tirsanaa gumeystaha oo isugu jiray saraakiil iyo dablay .

Gumeystaha oo ka faa’ideystay maqnaashaha ciidamada  Sheekha oo markaas ku maqnaa dagaalo dhinaca Hiiraan ayaa dhabar jabin ka dib waxa ay hareereeyeen xaruntii Sheekha iyagoo adeegsanaaya hubka xiligaa ugu casrisnaa lana yimid ciidan fara baan oo ay ka oo wadeen dhankaas iyo cadan iyo weliba kuwa kale oo ay ka soo ka xeeyeen dalalka kale  oo ay gymeysan jireen kuwaas oo  ahaa calooshood u shaqeystayaal sida ku cad buugii uu qoray Mario Devechio oo lagu magacaabo ORIZENTO DI IMPERO. Ka bid Sheekha waxaa uu u gacan galay cadowga, waxayna ka dalbadeen inuu ciidamadiisa ku amro inay is dhiibaan, waa uu ka biyo diiday. Si kastaba ha ahaatee  gumeystaha ayaa aakhiritankii ku guuleystay inay qabtaan oo ay xabsiga dhigaan Sheikh Xasan Barsane  sanadu markay ahayd 1924.

Waxaa Sheekha lagu xabisay xabsiga loo yaqaaney Gaalshiro iyadoo markaasi maxkamada gumeysiga ay ku xukuntay 30 sano oo xarig ah oo ay u dheertahay shaqo adag iyo jirdil. Si kastaba ah ahaatee hadana gumeystaha ayaa ku qanci waayay inay xabisaan oo kaliya waayo Sheekh Xasan Barsane ayaa ahaa caqabadii ugu weyneyd ee ay gumeystaha Talyaaniga kala kulmeyn koonfurta Soomaaliya iyadoo aanba dhihi karno sheekha wuxuu ahaa quwada kali ah ee dagaalo waaweyn kaga hortimid marka laga reebo Biyamaal oo iyagana kula dagaalamay dhanka shabeelaha hoose. Talyaaniga ayaa 3 sano ka dib waxay hadana isku dayeen inay dilaan Sheekha iyagoo ay u suuro gashay sanada Markey ahayd 1927 iyado markaasi ay gumeystuhu ku xireen meel god ah oo aan ku filneyn inuu fariisto godkaas ayaa wuxuu lahaa oo kali ah meel yar oo shabaq camal ah oo uu xoogaa wax u neef ah ka qaadan jiray. Intaas oo kali ah ugumaysan simin hadana waxay ugu dareen inay sun ku buufiyaan qolkii uu ku xirnaa waxaana amarkaasi bixiyay KABEELLO sida uu xusay MAXAMED ABDI (Odoyaasha Muqdisho ) oo ka mid ahaa sadexdii Nin ee loo adegsaday inay fuliyaan falkaasi. Ugu danbeyntii Sheekha ayaa ku geeriyooday suntii. Sida ku xusan Orizento Impero iyo TREE ANNI DE IN SOMALIA .Sheekhu wuxuu dhintay taarikhdu mrkey ahayd 13. January 1927. waxaana lagu duugay Qabuuraha Sheekh Suufi oo ku yaalay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya waxaana markii danbe loo qaaday oo uu hada ku aasan yahay degmada JILIYAALE oo markii hore Sheekha xarun u ahayd 

Hadda eeg! Ha khaldamin. Soomaalidu Talyaaniga uma biilineyn ee dhul soo dhacsada bay is lahaayeen. Maxamed Gobdon  naxariistii Eebbe korkiisa ha ahaatee oo arrimahaas oo dhami hortiis ka dhacayeen wuxuu ka mid noqday dhallintii badneyd ee daadku qaaday ee qoratay askartii Talyaaniga 1934kii.

Dadkiina waxay isla dhex maareen ma maqasheen in ninkii caalinka ahaa ee Sheekh Maxamed Gobdon uu qortay askar oo uu raacay gaalo? Warkana waxaa loo sheegay Xaaji Aadan Yare wuxuuna ku jawaabay; ( Sheekh Maxamed Gobdon waa biyo gaarey  qollateyn, qollateyn ma nijaasoobo).

Qeybtii Labaad ee Noloshii Xaaji Maxamed Gobdon

Halgankii Xaaji Max’ed Gobdon ee Gobonimo doonka iyo kaalintiisii SYL
Ciidamadii Talyaaniga iyo Shiikh Maxamed way iska hor yimaadeen markay arkeen inuu yahay gobanimodoon wuxuuna ka ruqsaystay ciidamadii. 1935kii wuxu gutay xajkii ugu horreeyey waxayna isu raaceen  Xajka Sheek Cabdullaahi Axmed Liibaa oo ay xigto ahaayeen.


Xaaji Max’ed Gobdon oo ka qudbeynaya Xarunta Xisbiga SYL oo Baraarujinaya Taageerayaasha Xisbiga.

1945kii wuxuu galay xisbigii S.Y.L. 1952kii waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waxbarashada Xisbiga  S.Y.L., wuxuuna maamulayay sagaal sano isla sanadkaa aakhirkiisii waxaa loo qaatay Idaacadda Dalka Radio Muqdisho  oo uu maamulayay Taluaaniga inuu Qur’aanka akhriyo iyo axadiis, wuxuuna wadey ilaa 1987kii wuxuu qaatay tababar Caafimaad waxaana loo qaatay kaaliye dhakhtar oo muddadii uu ka shaqaynayey dadka ay aad u jeclaysteen una mahadiyeen, ka sokow daawadii uuu u qarayey isagoo isla markaa bukaanka ku akhrin jiray Qur’aaanka X.M.G ama u fari jirey ehelka bukaanka  inay ku akhriyaan qur’aanka.

1978kii wuxuu gutey xajkiiii labaad oo uu xajisiiyey wiilkiisa Dr. Cabdulaahi Xaaji Maxamed Gobdon. Xaaji Maxamed Gobdon wuxuu ku dhintay 78 jir. Wuxuuna ifka kaga tegey 28 qof oo kala ah waxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen.
Halganka "SYL"  ( Kulanka dhalinyarada Soomaaliyeed)

Sidii aan horey u soo xusnay Xaaji Max’ed Gobdon wuxuu ka mid ahaa madaxdii Xisbiga SYL wuxuuna ahaa Agaasimaha Guud ee Waxbarashada.
Ka hor jagadaas Golaha Dhexe Xisbiga waxay u xilsaareen inuu laamaha Xisbiga ka soo furo Shiilaabo, Qabri dahara, Qalaafo, Wardheer iyo Jig jiga.

Taariikhda xisbigii SYL lama soo koobi karo, waxaanse ka xuseynaa in yar oo kooban oo ku haboon baaristaan .
 Curashadii Fikradda
Fikrad kasta oo lagu hormaro waxaa bilaaba qof ama koox. Fikradda lagu asaasay xisbiga SYL waxaa hormuud iyo hawlwadeen ka ahaa Allaha u naxariiste 13 kii Dhalinyaro  .
Sawirkan wuxuu muujinayaa mid ka mid ah shararkii todobaad laha ahaa ee uu Xisbiga SYL laguna wacyi galin jiray shacbiga Soomaaliyeed

    1. Yaasiin Xaaji Cismaan                     
    2. Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin 
    3. Maxamad Cismaan Baarbe.             
    4. Maxamad Faarax Hilowle               
     5. Sayidiin Xirsi Nuur                         
     6. Maxamad Cali Nuur                        
    7. Daahir Xaaji Cismaan
    8-. Xaaji Maxamad Xuseen
    9. Khaliif Huudow Macallin
    10.Cismaan Geedi Raage
    11. Dheere Xaaji Dheere
    12. Maxamad Cabdalla Xayeesi
    13.Cali Xasan Max’ed "Verdura’
Habeenkii taariikhdu ahayd 15ka Maajo 1943, ayaa Yaasiin Xaaji Cismaan na soo hordhigay barnaamijkii Xibiga oo ka kooban 13 qodob. Qodobadaas waxaa ugu waa- weynaa : 
1.   In loo halgamo, lana xaqiijiyo gobanimada iyo madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed.
2.   In shanta Soomaaliyeed la mideeyo, hal Calana ay hoos yimaadaan  
3.   In xoog la saaro Waxbarashada ,  laguna  dadaalo waxbarashada dhallinyarada, iyadoo la aaminsanyahay inaan horumar iyo madaxbanaani la gaari Karin waxbarasho la’aanteed 
4.   In af Soomaaliga la qoro.  
5.   In shacabka lagu baraarujiyo halganka gobanimadoonka iyo madaxbanaanida.
6.   In la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada xun ooy ka mid yihiin qabyaaladda oo si ka duwan Shareecada Islaamka loogu dhaqmo.  
1.  Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin - ( Sh. Uweys Dhere) Guddoomiye, waxaa  Awowgii ah Sheikh Uweys oo asaasay Dhariiqada QAADIRIYADA
2.   Xaaji Maxamad Xuseen - Guddoomiye-xigeen 
3.   Yasin Xaaji Cismaan    -  Xoghayaha Guud
Yaasiin Xaaji Cismaan  waxaa loo doortay Xoghaye Guud. Ee Xisbiga  
 Abdullaahi Ciise, Allaha u naxariistee, meeshii ayuu hawshii ka sii waday. Wuxuu ugu adeegay Xisbiga iyo Shacbigaba si naftihurenimo ah, daacad ah, Soomaalinimo, wuxuuna guulo ka soo hoyey gudahaba iyo dibeddaba. Cabdullaahi wuxuu noqday Raiisulwasaarihii ugu horreeyey ee Soomaaliya sanadkii 1956.
Sawirkan wuxuu muujinyaa midigta C/laahi Ciise Max’ud iyo cabdi xaaji Gobdon qoraaga Buugan oo ay Aabihiis Xaaji Max’ed Gobdon ay aad saaxib u ahaayeen C/laahi Ciise.   
                                            Sawirka Calanka
Waxaa farxad iyo raynrayn  ahayd markii 12ka Oktoobar 1954 la taagay calanka Soomaaliyeed. Calankaas farshaxankiisa iyo hindisihiisa waxaa lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa madaxda Leegada oo ay Xaaji Maxamed Gobdon saaxiib ay ahaayeen, intuu sakaraadaayey Xaajiga  Maxamed Cawaale kama dul tegi jirin.
 Sawirkan wuxuu muujinayaa Dhalinyaradii Soomaaliyeed ee taageerayaasha u ahaa SYL.


Sawirkan waxaa ka muuqda Cabdullaahi Ciise Maxamud iyo qoraaga Kitaabka Cabdi Xaji Gobdon.

cabdullaahi Ciise  wuxuu ahaa  shakhsi ay aad isugu dheerayeen saaxibbana ahaayeen xaji Maxamed Gobdon , isla markaasna wuxuu ahaa Danjiraha  SYL u qaabilsan  gaarsiinta farriimaha Gobanimadoonka  Qaramada Midoobay UN iyo Ururrada kale ee a Caalamiga , wuxuu kale oo ahaa Cabdullaahi Ciise Shucladda Gobanimada, Sidaas daraaddedna  wuxuu ahaa  shakhsiga ay  raadinayeen Gumeysiga qaab kasta iyo si kastaba  iney u dilaan  si uu u dhinto  dhaqdhaqaaqa Gobanimaddoonka . Cabdullaahi Ciise Halgandheer ka dib wuxuu noqdey ra’iisul-wasaarihii ugu horreeyay Somaliya 1956.

Qasiidadaan Waxaa Ku Dajiyay Xaaji Max’ed Gobdon Geeridiisii Ka Dib Sheikh Maxamud Cawaale oo ka mid ahaa Qaliifiinta Xaaji Yuusuf Xasan Sahal.


بسم الله الرحمن الرحيم

يا ربنا إرحم للحبيب                       **                    حاج محمد حاوي الكمال
إنه من أتقياء الله                            **                    أواه من أفطن الرجال
بحر معين علماً وبدر                       **                    بريق لاح بدر الكمال
تقي تابع الخلفاء                             **                    في سنة صاحب المعال
ثناؤه لازم وفرض                         **                    ثمار القلب زين المقال
جميل القول جاه الأحباب                  **                    جزاه الله في دار الجلال
 حوى المكارم والمزايا                    **                    حكمة الله حسن الفعال         
خلت أيامه مستقيمه                         **                    في خدمة الخالق الليالي
دليل الخير مدى الزمان                   **                     مديم الوعظ روح الدلال
ذكي ذاكر كل حين                          **                    ذوو الفضائل والنوال
رضاء الله عليه دوما                       **                    رحمه الله ذو الجلال
زوروا ضريحه كي تنالوا     **                    سعادة الحال والمئال
سليم القلب أهل الصلاح        **                    سميدع سديد الأفعال
شيخ شهير شمس العرفان     **                    شامل من أشرف الخصال
صفي صوفي من صباه        **                    أهل الصفا صاحب الأحوال.
ضياء العصر ضاعت علوم               **        عديدة عند الأرتحال
طيب القول شيخ الطريقة      **                    ظل الإخوان بلا جدال
ظريف سامى القدر حقاً        **                    وكم طفى من داء الجهال
عالم عامل بالأحكام            **                    عزيز القوم عين الوصال
غاب الحبيب غارت علوم     **                    عظيمة عديم المثال
فاق الأقران فهما وعلماً        **                    فسيح القول فحل الرجال
قل ما تشاء مدحاً قرينى       **                    قدوتنا لديذ المقال
كريم كم له من مزايا            **                    من حكم حاوي الأمثال
لبيب ليس له مثيل               **                    أهل النباهة والنوال
مشربه منهل الوراد             **                    إبن مي منبع الأفضال
نور مرقده يا منير              **                    ونجنا جملة الأهوال
واغفر لنا ولوالدينا              **                   وارحم لنا منقد الأثقال
أولاده أهله جميعاً               **                    والأصدقا كذك الأجيال
أحبابه والأنصار طراً         **                    أهل السماحة والأفضال
هلموا يا أخلائي جمعاً          **                    لهذا المقصد للمئال
يا ساتر الذنب والزلات        **                    سامح عما سيأتي والحال
صلاة الله وكذا السلام          **                    على النبي عين الجمال
محمد منير الوجود              **                    مهبط الوحي نور المجال
وأله أرباب المعالى             **                    وصحبه سادات الكمال
أشياخنا أهيل الأمجاد          **                    إخواننا الأعزا الأبطال
ثم الرضا لروح الحبيب        **                    حاج محمد حاوى الكمال
متي يرجو عبيد الإلـه          **                    إبن عوال عون الجلال

                                                                                    شيخ محمود عوالى

Sheikh Max’ud Cawaale wuxuu ka mid yahay Culumada ay sida aad ka ah Xaaij Max’ed Gobdon ay saaxiibka ahaayeen.
GABAY

Gabay uu Xaaji Maxamed Gobdon uu ka tiriyay Geeridiisa

In dhawaad waa tii aan qafilay gabayga qaafkaaye
Qalbigeyga waa tuu go’ay eenaan qaayibine
Qoomamaan ka joogaa dembiga aan qarfeysadeye
Qaafiri dunuub heyga tiro kii la ii qoraye
Quraan nimaan aqoon aan kitaab qaadan weligisba
Cilmigaa qiyaas lehe ninkaan qaab u soo baran
Qawl  iyo qadiim   haddii qiila aad aragto
Qultu baa gedaasheed timaad meel qilaaf galaye
Qaafiyo iyo naxwaha kaan aqoon qiradi waa beene
Anse qaabka gabaygaan badshaa qodobadiisiiye
Qeyre iyo qammaan baan sidood qalad ka dhowraaye
Qardhaas uu nin kale qorey baan qiil ka bixiyaaye
Aan qiyaaso waatuu wax badan igu qadoodnaaye
Qurqurka iyo wuxuu taagan yahay qaanso boqonkeede
Nin walbow qudhaada u arrimi waa laguu qabane
Haddii ruuxa lay qaado ee dunida qaal beesho
Haddii lay qibleeyo ee indhaha qoofal laga yeelo
Qiradiisa yaashiinka waa lagu qaboobaaye
Towxiidka haddi lay qabto ee  qaadir ii mariyo
Qaasiyiin haddii la ii waco ee qolo la ii doono
Biyihii qaboobaa haddii la igu sii qaado
Kafan qodob leh qeyd mara cad yaa ley qamaamudiye
Naga qaada meydkaa la oran waa qurmahayaaye
Qabrigii haddii leygu rido ee qoorta ley saaro
Qunyar baa lay dhigi oo haddana qaada bay  orane
Qabrigii haddii leygu rido ee luxudka ley qaabsho
Hadday ciidda igu soo qubaan qaaya xumadeyda
Qaraabadii hadday iga tago ee aan qolo la ii reebin
Haddii malak i soo qaabilo ee qori xumaateyda
Oo qadi candhuufada tahay oo qalin kor loo eego
Qosol iyo wanaag lama arko oo qoomamaa jiriye
Ilaahow qabriga haygu xadin qaadir baa tahaye
Oo naar ha ii qorin jannaan kaa quluubsadaye

CARUURTII UU XAAJI MAX’ED GOBDON IFKA KAGA TAGAY
Ragga iyo Dumarka uu Xaajiga ifka ka tagay  Midigta Ragga taagan Cusmaan Xaaji Maxamed , Maxmed Xaaji Max’ed, ( Badrudiin) , Cabdiraxman Xaji Max’ed , C/lahi Xaji Max’ed, Saadiq Bashir Xaaji Max’ed,).  Ragga fadhiya Midigta Cumar Xaji Max’ed, Bashir Xaji Max’ed, ( Allaha u Naxariisto)) Abukar Xaji Max’ed. Iyo Gabdhaha Sacido Xaaji Max’ed,  Xabiibo Xaaji Max’ed Gobdon.

MAHADNAQ

Waxaan si xushmad iyo qadderinba leh ugu mahadnaqayaa dhammaan intii gacan igu siisay qoraalka Kitaabkan oo ay u horreeyaan Aweys Xusen Xasan Shiino,Rufaaci Maxamed Salaad iyo Maxamed Cabdi Maxamed .

CUDURDAAR
Waxaan cudurdaar ka bixinayaa waxii qaladaad ah ee dhanka daabicista ah.
Nagala soo xiriir : abdigobdon@gmail.com

Qoraaga Kitaabka Cabdiraxmaan Xaaji Max’ed (Gobdon )