Wednesday 13 July 2011

AGOONKII CABSIDA EEBBE DUGSADAY.(Qeybta Labaad)

DOORKII IYO WAXBARASHADII XAAJI MAXAMED GOBDON IYO KA MID NOQOSHADIISII DARIIQADA ALRAHMAANIYA

Wuxuu ahaa shakhsi jecel awliyada Illahay, in badanna wuxuu ku dejiyey Qasiidooyin. Wuxuu ahaa Shakhsi ay Dariiqooyinka Suufiyada  u wada siman yihiin oo aad u wada xiriiriya, siiba Dariiqada Axmadiyada oo ay isaga mashaa ‘iqdiisa ka soo jeedeen  sida Sheekh Axmed Idriis,oo ay Dariiqada Axmadiyada ku abtirsato iyokhaliifkiisii sheikh mowlaana  Sheekh Mowlaana Cabdiraxmaan Cabdulwaaxid iyo kuwii ku caan baxay xiddigaha shanta ah oo kala ah:
1. Sheekh Maxamed Wacays
2. Sheekh Xaaji Weheliye
3. Sheekh Xasan Yarow
4. Sheekh Maxamed Yuusuf
5. Sheek Xasan Macalin ( Dheere)

Waxaa Ragga ka sii aflaxaay rag kale oo badan. Waxaana ka mid ah Sheekh Cali Maye oo ay isagana ka sii aflaxeen raga soo socda: oo ka badan 56 , sidaas darteedna loogu magac daray Sheikh Cali Misbaax.




شيخ محمد علي ميه                                                                 شيح مختارشيخ محمد علي ميه
Sheikh Mukhtaar Sh. Maxamed Cali Maye                          Sh. Maxamed Cali Maye
1-Sheikh Xuseen Sheikh Cabdi
2. Sheikh Xaaji Yuusuf Xasan
3. Sheikh Cali Maalin (Cazabi)
4. Sheikh Hilowle Carraale
5. Sheikh Cabdullaahi Ibnu Buub        
6. Sheikh Cumar Bin Mustaf
7. Sheikh Maxamuud Gebiyow
8. Xaaji Maxamed Xaaji Cumar
9. Sheikh Macalin Cumar            
10. Sheekh Caalin Guuleed
11. Sheikh Muuse Gacal
12. Sheekh Cismaan Sheikh Macalin
13. Sheikh Jibriil-Hoggaamiye Digri
14. Sheekh Ibrahim Macalin
15. Sheikh Jaamac
16. Sheekh Malaaq Maxamed
17. Sheikh Xaaji Cilmi
18. Sheekh Cabdiyow
19. Sheikh Ibrahim Sheikh         
20. Sheekh Cumar Ibnu Cabbaas
21. Sheekh Cali Yare           
22. Labada Sh. Max’ed  iyo Max’ed
23. Sheekh Axmed Bin Xaamud
24. Sheekh Fiqi Maxamed
25. Sheekh Cumar Shariif           
26. Sheekh Mukhtaar Cabdiyow
27. Sheekh Cabdi Gab Yantal
28. Sheekh Macalin Qulaam
29. Xaaji Axmed Sh. Maxamuud Xararyaal    
30. Sheekh Axmed Dheere
31. Sheekh Maxamuud Yaxye
32. Sheekh Maxi Ibnu Maxamed
33. Sheekh Daa’uud Calasow                  
34. Sheekh Max’ud Aw Cismaan
35. Sheekh Maxamed Abiikar Geledi 
36. Sh Seyid Cisman Ibu Macalin
37. Sheekh Xaaji Cali Ibnu Maryan     
38. Sheekh Axmed Sheekh
39. Sheekh Bin Isxaaq Maxaalow         
40. Sheekh Qaasim Hadama
41. Sheekh Bin Shaacir
42. Sheekh Macalin Maxamed
43. Sheekh Maxamed Ibrahim   
44. Sheekh Xaaji Cumar
45. Sheekh Ibrahim Ibnu Maxamed
46. Sheekh Warsangeli
47. Sheekh Xasan Duubweyne   
48. Sheekh Axmed Mataan
49. Sheekh C/Raxmaan Sh. Xan Yerow
50. Sheek Daa’uud Wacays
51. Sheekh Macalin Maxamed Ibnu Sh. Adan
52. Sheekh Cismaan Ibnu Cabdi
53. Sheekh Adan Yare      
54. Sheekh Ibrahim Yare
55. Sheekh Saalax Daahir           
56. Sheekh Cabdi Nuur (Guurane)

 Xaaji Max’ed Gobdon wuxuu qasiidadaan  ku dajiyay Shiekhiisii Sh. Max’ed Cali Maye uu kaga hadlaayo sida uu Cibaadada ugu wanaagsanaa Cilmiga u fidinayay raxiimka iyo murabi uu u ahaa, xataa wuxuu tilmaam ka bixinayaa cibaadada sida uu ku ahaa, dabeecadiisii wanngsanyd iyo qaab u socodkiisii quruxda badnaa iyo Naxariistiisii heerka sare aheyd.
بسم الله الرحمن الرحيم
1.سلام من الرحمن مالاح  كوكب
            علي شيخ محمد شيخ علي ميه عمدتي
2. ولي إمام خاضع متواضع
                        تقي نقي ذو مقام سيئة
3. هو سبد السادات في الأرض والسماء
                        هو بدر دين الله بحر الحقيقة
4. هو صاحب الأنوار والسر والتقي
                        هو شمس الأولياء شيخ الطريقة
5. هو منبع الأصول والفقه وكذا
                        كالصرف والنحو والبلاغة جملة
6. عروض ومنطق كذاك وما سوي
                        وعلم تصوف حوي كل قدوة
7. فيا خير عالم ويا خير عابد
                        ويا خير عارف فجد لي بنظرة
. عسي ان اراك يا مربي ومرشد
                        يا سيدي كن لي كفيل القيامة
9. كرماته ابهي من الشمس والضحي
                        وقد بات علما نافعا مل بلدة
10. وكان يقول من تعــلم عندنا
                        فينفع علمه حميع البرية
11. اذا ما رأي حقا يزيد تواضعا
                        ويجري دموعه كسيل بسرعة
12. ويغضب لله ويرضي لربه
                        ويأمر بعد كل إخلاص  نية
13. ويذكر الله في الملأ والخلوة
 مع الخوف والرجاء يا خير وحده
14. و يختم بالقرءان في كل ليلة
 بتحويد وترتيل يا خير سادة
15. وكان يقوم ليلا والناس نائم
                    ويذكر الله ماشيا مع السكينة

. وكان ابا المختار فرضا اذا صلي
                        براه مقام القرب من غير نظرة
17. وركعة منه تعدل ألف ركعة
                        فالر كوع وحدها علي قدر ساعة
18. لباسه ابيض ولونه اسمر
                        عريض الجبين بل وكثيب اللحية
19. ويمشي هينا والسكينا ت خاشعا
                        ويهدي لمن راءه اسما تحية
20. وينصح الأنام كلا أخي ولا
                       يقول إلا ما في الكتاب والسنة
21. تما يله يميتا شمالا ورأسه
                       كمثل المريد عند شيخه يثبت
22. وعرفه أطيبن من المسك الأدفر
                      وأعلا تنا ياه فليج كفتحة
23. فدا ته حاضر و نفسه غائب
                     وقلبه عند الله فى كل حالة
24. وزاد على الأقران بز هد ورضا
                    ورقى مراتب العلا بالعنا ية
25. واو دعه الرحمن علما و حكمة
                   وكان يرى ما فى الصدور الخفية
26. وما كان بعده فاوصى لأبنه
                   بقوله فاحذر من خصوم وشدة
27 افلا يكفيك ماراه ابا علي
                    بارض بعيدة قال قوموا لحضرة
28 فقد انقضت مابقيا الا بما
                   يوسع منكم الارتحيل  بسرعة
29 فقد حضروا هما قبيل وفاته
                   واودعها بسر خير الوديعة
30 واكساه خلة التي كانت عنده
                   لابنه شيخ مختار محي الطريقة
31 فانا اليه كل حي فميت
                   وانا اليه راجعون حقيقة
32 بدكره ياليتني دموعي تسابقت
                   فابكي ما الاتستطعت من عظيم مصيبة
33 فوفاه الموت اه ولكن فقط راي
                  لمنزله الكبير قبل المنية
34 توفي في ليلة الثلثاء نصفها
                  الاخير زر في رجب اوائل الليلة
35الهي بحق شيخ محمحد شيخنا
                  سهل امرنا وانظر الينا برحمة
36 واستر عيوبنا واغفر دنوب اصولنا
                   كدا الاحباب ال بيت واخوة
37 والزم فؤادي ياالهي وسيدي
                   بشكر وحمدالله في كل ساعة
38 وانزل عبيدك المسيئ محمد
                    مقام الرضا في مقعد صدق الجنة
39 واسقني كؤوس الحب يارب واهدنا
                     واكشفنا حجاب الغيب واجبر كسيرتي
40 وصلي علي المختار طه محمد
                     مع الال والاصحاب في كل لمحة
41 وصل وسلم يالهي وسيدي
                      علي الشيخ محمد شيخ علي ميه قدوتي
      
Waxaa isaguna xusid mudan Xaaji Maxamed Axmed Liibaan oo gacan weyn ka geystey nabadgelyo ku wada noolaantii beeshi ay reer Caalim Jimcaale ka midka ahaayeen. Mar laga waraystay sidii uu u soo barbaarayna wuxuu yiri:
Waxaan ku dhashay baadiyaha degmada Xaradheere .Markaan jiray lix sano waxaan dugsi ka galay meel toban kiloomitir  u jirta Xaradheere. Waxaana maamulayey Macallin Xasan Warsmae iyo Shiikh Xirsi Faqay.
Ka dib waxaa tegey xaruntii  Xaaji Aadan Yare oo Khaliif Sheekh Cali Maye ahaa. Aniguna aan ehel ahayn  Dugsi ayaan quraan ayaan halkaa ka sii watay .
Mudo yar markii la joogay xaruntii Aadan Yare ee Diinka laga baranaayay waxaa soo weerartay Shufto oo xaruntii gubtay, kutubadii iyo Guryihii  Xaaji Aadan yare wuxuuna u soo qaxay meesha la yiraahdo Mareeg anigana waa soo raacay  .
ka dib wuxuu amray in la  I geeyo Marka waxaana  u tagay  Muxumed Axmed oo degganaa nawaaxig Marka, halkaa waxaan ka galay Dugsi uu hayay  Macalin Maxamuud Yuusuf Mustaf. Anoo jira 13 sano welina Dugsigii ku jira ayuu haddaan ii soo celiyeye dugsigii uu hayey Macalin Xasna Axmed Calasow.
Waxaa ku noqday waqooyi, markaan muddo joogeyna waxaan mar kale ku soo noqday Marka, waxaan bilaabay cilmi barasho. Waxaan kutub ka akhristay Sheekh Cismaan Cabdulle iyo Sheekh Maxamed Shiikh Cali Maye oo isagana ila xiriiriyay Xaaji Aadan Yare.
Markii aan barashada shareecada islaamka ka gaarey heer wanaagsan, waxaan u noqday waqooyi oo waxaan tegey nawaaxiga Xaradheere halkaasoo ay degganaayeen beelahaygii, waxaana la ii doortay inaan beelaha u noqdo  ( Beeldaajiye ).
Halkaa waxaan ka bilaabay inaan dadka ku booriyo barashada Diinta islaamka, nabad ku wada noolaanta iyo in lagu wada dhaqmo deris wanaag.
Ka dib waxaanu kulanay Xaaji Aadan Yare oo iga codsaday inaan آNabadoon u noqdo Beeshii aan ka dhalanay . xilkaas anigoo gudanaya ayaan misna door ka qaatay halgankii gobonimodoonka.  .
Waxaan  allifey Qasiidooyin af Soomaali iyo Carabi ah oo dadka ku dhiirri gelinaya inay dhacsadaan xornimadooda waxaana Qasiidooyinkaa  ka mid ahaa Qasiiddadii ay qaadi jireen horseedka Xisbiga S.Y.L, oo ay ka mid ahayd ( Axyaa Wadani , Axyaa Wadani yaa Soomaali ahey) .
Shiikh Maxmaed Axmed Liibaan markay  ku caddaaday inuu yahay Nin u Halgamaya  Xorniamda Soomaalida waxay toos isaga hor yimaadeen Gumeysigii  Talyaaniga waxaana loo masaafuriyey Kismaayo, halkaasuu uga sii horeeyay oo loo masaafuriyay  Xaaji Aadan Yare iyo Xaaji Cabdiraxmaan Mursal, Xaaji Max’ed Axmed Liban iyo Xaaji Max’ed Gobdon  ayagoo wada kulansaday wada dhalasho oo ah xigto sokeeye ayay hada waxay ahaayeen kuwo aad isu jecel oo fikrado badan wadaago . Waxay kulansadeen iyagoo isla soo koray waxna isla soo bartay hadana aad isu jeclaa inay ku dadaalaan sidii dadka Soomaalida Nabad ugu wada noolaa lahaayeen gaar ahaan Beesha ay ka dhasheen waxay  kaloo kulan sadeen fikrad wadaagii gobonimo doonimada iyo la dagaalnkii Gumeysiga.  
Xaajigu wuxuu kulansaday inuu ahaa: Beeldaaje, nabadoonah. Siyaasi gobanimadoon ah, Macalin Bare ah iyo Sheekh Hanuuniye ah .

Midigt Fadhiga  Xaaaji  Max’ed Gobdon , iyo Bidixda Xaaji Max’ed  Liban
Taagnaanta Midigta , Cabdi Xaaji Gobdon , Bidixda Abukar Xaaji Gobdon.


No comments:

Post a Comment