Wednesday 13 July 2011

AGOONKII CABSIDA EEBBE DUGSADAY.(Qeybta koowaad)






1-    إلـهي توفني مصليا ساجداً
صلاة الوداع من صلاة التطوعي
2-    واغفر ذنوبي وارض عني ووالدي
واخواننا في الله والأل أجمعي
3-    وصل على المختار طـه محمد
شفيع الورى خير الأنام مشفعي

Xaaji Max’ed Gobdon

AGOONKII CABSIDA EEBBE DUGSADAY
WAX KA DHIHIDDA KITAABKA

Kitaabkan oo uu diyaariyay Cabdi Xaji Gobdon kana hadlayey Taariikh nololeedkii aabbihii Xaji Maxamed Gobdon iyo arrimo kale oo badan oo la xiriiray, markaan isha mariyay waxaan ku arkey in laga faa’iideysanaayo arrimaha soo socda:-

Iney nolosha baaddiyuhu asal u aheyd soojireenkii bulshada Somaliyeed, barashada dhaqankii beelihii degganaa Gobolka Galguduud , kaa soo ku dhaca bartamaha Gobollada Soomaaliyeed  oo dhan xiriirkana la leh Bariga, Koonfurta,Galbeedka iyo waqooyiga  Somaliyeed,lagana garan karo inuu Tusaale u yahay dhaqamada Gobollada kale oo dhan.

In qof kasta oo akhriya Kitaabkan uu aqoon buuxda u yeelan karo (Gobdoon) iyo qoyskii uu ka dhashay ee reer Cali Jimcaale.

In cadaawadda u dhaxeysa Somalida iyo dalka kale ee deriska la ah ay aheyd mid horreysay, in nolol  wanaagsani ka jiri karto haddii la hagaajiyo, in lag a ku daalo ama laga haajiro deegaanka aan loo bogin , iney aheyd arrin ku horreysay baadiyaha Somaalida.

Inuu odeyga Somaliyeed wiilkiisa ku barbarian jiray hoggaaminta Qoyska hadduu isagu gaboobo ama uu geeriyood. Gooni degiddii Yusuf Caalim Jimcaale iyo dhalashadii Maxamed (Gobdon) iyo saddexda gabdhood ee kale ee la dhashay  Maka, Xaliima iyo Xabiiba Yusuf Gobdon
.
Barashada Diinta Islaamka ka sokow iyo sheekooyinka aqoonta iyo murtida lihi ay ka mid yihiin casharrada lagu barbaariyo garaadka ilmaha kana dhiga waayo-arag . Aragti dheeridii Xaji Aden Yare, Geeridii Yusuf Calim, dareenkii agoonnimada ee Maxamed Gobdon , iyo iney tahay agoonnimadu aafo ku habsata ilmaha waaya aabbahood. Is xilsaarkii Maxamed Gobdon, Xasuustiisii, dardaarankii aabbihii iyo go’aankiisii adkaa ee barshada Diinta Islaamka.

Agoonkii qabsada xarigga eebbe, Diinta Rabbina dugsada ma dayacmo mana dulloobo. Xareysigii Maxamed Gobdon , dhibtuu kala kylmay Xernimada, barashadiisii Diinta Islaamka ee heerka sare gaartey , iyo iney Xirnimada Muqdisho ka dhigneyd waxbarshada dibadeed ee manta , in Baaddiyaha Somaaliyeed  marmar ay ka dhici jireen is-afgaran waayo ku imaan jiray sababo yaryar marmarka qaarkoodna keeni jiray dik, dhaca colaad iyo dagaallo culus oo dhex mari jiray hadba labada Beelood, sidaa darteedna loo baahan jiray Rag beel daajiyaal ah oo iyagu metela Dowladdii Dadka kala hagi laheyd oon waqtigaa jirin, nabaddana xasiliya , iyo inuu Beeshii iyo degaankii reer Caalim Jimcaale u xil saarnaa Xaji Maxamed Axmed Liibaan(Axyaa Waddani).

Waxaa kale oo Kitaabkani laga faa’iideysan karaa Taariikh si tafaftiran uga hadleysa soo gelitaankii Gumeystayaashii caddaanka ahaa iyo weerraradii ay ku soo qaadeen Qaaraddan Afrika, qabsashadii Afrika, gaar ahaanna Dalka Soomaalida, ka qeybqaadashadii  Ethiopia ee googoonta iyo qabsashada dadka iyo Dalka Soomaaliyeed, ka hortaggii Gumeystayaasha iyo Dagaalkii hubeysnaa  ee CULAMAA’UDDIINKA IYO INDHEERGARADKII SOOMAALIYEED, sababtii qorashada Askarta  ee Maxamed Gobdoon, ballan-furkii Talyaaniga, iska hor imaadkii Maxamed Gobdoon iyo kan Talyaaniga, ka ruqseysigiisii  ama isaga tigiddiisii Askarta Talyaaniga iyo gudashadiisii Xajkiisii 1aad, iyo Taariikhdii dhacdooyinkaasoo dhami  ay jireen.

Waxaa kaloo Kitaabkan ka heli karnaa dhaqadhaqaaqii Xisbigii SYL oo la xiraara ka hortaggii Gumeyustayaasha, doorkii uu ka qaatey Maxamed Gobdoon  iyo u magacowgiisii Xoghayaha Tacliinta ee Xisbiga , fidintiisii Afka Carabiga , doorkii Xaji Maxamed Axmed Liibaan iyo heeskii Axyaa-Waddani  yaa Saomali ahey IWM.

In Xaji Maxamed Gobdon uu taariikh caam ah ku yeeshay barshada Shareecada Islaamka  iyo Afka Carabiga, sida Tafsiirka , Xaddiiska , Axkaamta iyo Naxwaha iyo inuu Baabka Tasawufkja  gacan weyn ku lahaa , Tacasubkana ka fogaa , Dariiqooyinkuna u sinnaayeen, Qasaa’id bandanna uu u sannifay  Rasuulaka (Caleyhissalaatu wassalaam), Sheekhyadiisii iyo Culumo kale oo badan , sidaa darted Kitaabkan laguma sheegi karo mid ku kooban nin kaliya  taariikhdii  ee waa Kitaab xambaarsan  aqoon guud, qof kasta oo miyyi ku barbaareyna siin kara fikrad Siyaasadeed , midka beled ku barbaareyna fikrad ka siin kara dhaqan Baaddiye, isla markaasna ah Kitaab Diini ah.

Sidaa darted, waxaan dhihi karaa Kitaabkani waa aqoon guud oo faa’iidooyin badan leh, gaar ahaan agoon waalidkii waayey inuu noqon karo (Cirsan ka yeer) oo ah Liibaan Aakhiri iyo Adduun. 

Sheekh Cismaan Ismaaciil Axmed
Madaxa Manaahija W.Waxbarashada JDS.
HORDHAC

Buuggan oo ka hadlaaya Noloshii Xaaji Max’ed Gobdon, waxaa farxad ii ah in aan u soo gudbiyo saaxibadiisii, culumaa’udiinka soomaaliyeed iyo Eheladiisii iyo qofka jecel inuu wax ka ogaado kifaaxiisii waddaniga ahaa iyo doorkii uu ka soo qaatay fidinta Diinta Islaamka. Xaaji Max’ed Yuusuf Gobdon, in kastoo yaraantiisii ku waayay Aabihiis daremayna macnaha magaca ( Agoon)  wuxuu nasiib  u helay in uu qabsado  Xariga Eebe taasna waxaa sabab u ahaa xasuustii , dardaarankii uu uga tagay Aabihii iyo asagoo ka soo jeeday Qoys xagga Diinta ugo’ay. .Arintaas oo keentay inuu ku barbaaro anshaxa suuban, akhlaaq toosan iyo asluub wanaagsan.. Wax lala yaabo ma aha haddii la arko Agoon ka fiican ubadkii la faca ahaa ee ay aabbayaashood la garab joogeen toosintooda tilaabinta iyo tusaalaha quman taas waxaa   mar  hore tusaalo  u noqday Rasuulkeena Maxamed   naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee. markuu aadamiga  oo dhan  Nabinimada ka hor isagoo yar halka ugu sareysa ka galay Edeb wanaagga. Wuxuu ku koray Agonnimo. Taasoo uu ku sifoobay Max’ed  Amiin , Run-sheege iyo ku dayasho wanaagsan

ليس اليتيم الذي مات والده              بل اليتيم يتيم العلم والأدب

Agoon maaha kii ay waalidkii dhinteen       ee waxaa agoon ah kii aan cilmi & edeb  laheyn.

Marka laga hadalayo taarikhda shakhsi la mid ah Xaaji Maxamed Gobdon waxaa lagama maarmaan ah in qoraalkaan lagu xuso wax yaalaha soo socda.

1.   Qoyskii uu ka dhashay 
2.   Deegaankii uu ku noolaa
3.   Duruuftii waqtigaa  ka jirtay wadankiisa
4.   Iyo xirirkii uu la lahaa culumaa’udinka soomaaliyeed iyo Dariiqooyinka Suufiyada ee dagaalka kala hortagay Saancadaalihii doonayay inuu gumeysto Dalkooda. Bal hadaba aan ku bilowno qoyskii Reer Caalim Jimcaale ee uu ka dhashay Xaaji Max’ed Gobdon .

Qoyskii Reer Caalim Jimcaale

Xilligii indheer garadka Culuma’udiinka Soomaaliyeed u qalab qaateen Ururinta Soomaalida iyo ka hortagga Isticmaarka . Reer Caalim Jimcaale waxay ka mid ahaayeen Beelihii ku dhaqnaa Deegaannada Go’doon iyo Cadaado oo ku kala yaalla Koonfurta iyo bariga Galgaduud.

Degaankaas oo ku fadhiya Dhul baaxadiisa weyn tahay kuna yaala bartamaha Dalka Soomaaliya wuxuu hodan ku yahay  Dabeecad ku haboon Xoolo- Dhaqashada,  Dhir qodoxeed gaagaaban oo Xooluhu Caleemahooda daaqaan iyo kuwo Dadku Mirahoodu gurto, Hawo furan iyo Ciid udgoon oo aan Gogol la dhigto u baahneyn hadana xiliyadii waagaas ku beegnaa badankoodu waa ay qaboobaayeen. Waxaa carrigaas ka di’ jiray Rooban ku filan Doojinta Deegaanka iyo Barwaaqeynta Beelaha degennaa.

Dhaqaalaha Dadku Guud ahaan waa uu wanaagsanaa, wuxu ku dhisnaa dheefta ka soo gasha Xoolaha siiba Geela , Lo’da iyo Ariga oo lafdhabarka Nolosha ahaa oo waliba marar badan naftooda u huri jiray Daafacooda hadii Cadow ku soo gardaroodo nooc kasta ha ahaatee.

Beelaha Galgaduud Degganaa waxay la haayeen dhaqan tusaale fican u ahaa Nolosha Dadka Soomaaliyeed gaarka u ah taasoo ka dhalatay xeebaha oo ay ka fogaayeen oo ayna dhaqso u soo gaarin waabayadii isticmaarku uu ka soo seyrayey Dhulka marsooyinka lahaa. Arinkaas wuxuu ahaa mid ay ku sinaayeen Dadkii Soomaaliyeed ee xeebta ka fogaa oo dhanba.

Sida Dadka  Soomaaliyeed Caado u ah Beelkasta oo meel deggan waxay isu urursataa sida danahooda isu dugsadaan. Waxay la haayeen Duqey huwan sharafta Beesha oo go’aan ka gaara Arimaha la soo Gudboonaado, jideeyana dowga ay kula xaajoonaayaan wixii daano kala gaara Beelaha kale ee ay isku dugsi dhawaayeen, Xeerkaas Odayadu jideeyeen wuxu ahaa mid qasab ah in Beeshu ku dhaqanto Duqeyduna ku dul ilaashaan. Taasu  waxay dhali jirtay in nabad lagu wada caweeyo wixii xurguf dadka kala gaarana si nadiif ah loogu kala baxo.  

 Duqeydii Dabayaaqadii qarnigii 19aad ka talineysay Galgaduud waxa ka mid ahaa Caalim Jimcaale . Sida la wada garan karo Ninka loo aamino Hoggaamiye Beeleed iyo Golo lagu kala cadqaadanaayo Xilligaas waa in uu ahaadaa Nin Ragga doorkiisa ah oo inta kale isku haleyn karaa.

Sida aynu xog wareysi ku heyno Caalim Jimcaale wuxuu ahaa dagaalyahan weyn oo goorkasta u taagan waabinta Gardarooyinka ku imaanayay Beeshuu wax ka hogaaminayay goorkastana lib ka soo hooya. Wuxuu ahaa Nin lagu yaqaanay iswaafajinta ficilkisa iyo hadalkiisa.Ammaanta si gaar ah loogu tilmaami jiray waxay ahayd Diin Jaceyl , Deeqsinimo iyo dadnimo raali laga wada ahaa. Wuxuu ku dadaali jiray marxalada iyo wada noolaanshaha isagoo waxa jooga wax imaandoono ku dhereerin jiray.

Caalim Jimcale wuxu dhalay Rag dhowr ah iyo Dumar wuxuuna ku dadaalay siduu Caruurtiisa ugu barbaarin lahaa anshax wanaagsan uguna diyaarin lahaa habkii ay Halganka Nolosha u gali lahaayeen, taasoo ah Dhaxalka ugu wanaagsan ee ubad nasiib lihi waalidkood ka dhaxlaan.


Dhalashadii Yuusuf Caalim Jimcaale

Yuusuf Caalim wuxuu ku Dhashay Dabaan oo ka tirsan Deegaanka Ceel Bulacle , Habeenkii uu Dhashay waabarigiisii baa waxaa Reerka soo balleeyay Sagaal nin oo fardo ku jooga oo ay ka mid ahaayeen Ugaas Kooshin iyo Ugaas Max’ed ka dib markii ay Odeyga Caalim Jimcaale is wareysteen la isnabadeeyay ayaa Ugaas Kooshin oo horey ula  socday Siyaado  Xirsi sidkeeda waydiiyay Caalim oo yiri , maxay dhashay ina Xirsi? Intaan Caalim Afka kala qaadin baa Yuusuf Booyay markaasuu Ugaaskii yiri Alley lehe waa Wiil, Alley lehe waa Wiil waana Gobdon oo sidaa isugu jawaabay.

Odeygii Caalim Jimcaale oo labada dhanba farxadii wajigiisa ekeysay, waa marka hore aad ugu reyreyay Gobta soo nabdaadisay Reerka oo misna Gobta ku joogta oo ah fardaha iyo Mataanaha labada Wiil ee u Dhashay ayuu rati 4 jir ah dhegta dhiiga u daray oo ku sooriyeeyay Gobtii uguna waqlalay Mataanaha, halkana Duco Gobeed kula haray oo aheyd, Kuwii Diinta Anfaca Allaha ka dhigo oo uu Ugaas Kooshin ku soo afxirey sooryadii. Caalim Jimcaale isagoo dhalay Rag badan oo magacyadooda wax ka sheegi doono iyagoo taxan, Yuusuf Caalim Jimcaale oo ku magac dheer Gobdon, kuna mataansanaa Xirsi Caalim in aan dhalashadiisa si gaar ah u xusno waxaa sabab u ah waa Ninkii dhalay Xaaji Max’ed Gobdon oo isagu ah Hormudka buuggan.

Diinta Islaamka oo mudo dheer Dalka Soomaaliyeed lagu dhaqmaayay  qoyska Caalim Jimcaale waxay ahaayeen dad ixtiraam gaar ah u hayey,goor walabana arrimaha Diinta aloosi jiray. Waxay daafici jireen sharciga Diinta iyagoo goor kasta waafajin jirey nolol maalmeedkooda. Taasi waxay aheyd mid reer Caalim Jimcaale ay ku muteysteen in lagu tilmaamo ilaa maantadan la joogo qoys Diinta jecel oo aad ugu dheggan.

Caalim Jimcaale isagoo adeegsanaya waayo aragnimadii  soo biirtay ee waayihii badnaa ee u baryey wuxuu carruurtiisa  ku ababin jiray wixii waji suuban dhaxalsiinaaya in lagu tilmaamo astaamaha wanaagsan ee bulshadii ay ku dhex noolaayeen. Wuxuu bari jiray Diinta, xannaaneynta iyo daryeelka xoolaha. Wuxuu kaloo caruurta ku hubeyn jiray dhaqanka Soomaaliyeed oo u fududeynayey iney yeeshaan dad la socodnimo iyo asluun Eebbe raalli ka noqdo.

Guud ahaan dadaalkii Caalim Jimcaale sameeyay ee ahaa in uu  soo saaro caruur kaalin muuqta ka gala Beesha ay ka tirsan yihiin iyo guud ahaan Bulshada Soomaaliyeedba. Wuxuu ahaa mid uu ku guuleystay.
               
Ragii kaalin muuqata ka soo baxay geeridii Odeygii Caalim jimcaale ka dib waxay ahaayeen :

1.   Max’ed Caalim Jimcaale  ( Jiisow )
2.   Yuusuf Caalim Jimcaale oo ku magac dheere ( Gobdon)
3.   Max’ud Caalim Jimcaale
4.   Xirsi Caalim Jimcaale ( Xirsi Mataan ) oo ay dhashay ( Siyaado Xirsi Faarax ) Afartaba waa isku bah.
5.   Isaaq Caalim Jimcale oo ah bah gooni oo ay dhashay ( Axado Farax Rooble )
6.   Cabdi Caalim Jimcaale oo ay dhashay ( Faadumo Max’ed Jimcaale)
7.   Cali Caalim  Jimcaale oo dhashay Faadumo Max’ed Afrax)
8.   Guutaale Caalim Jimcaale oo dhashay (Fadumo Max’ed Afrax)
9.   Cismaan Caalim Jimcaale oo dhashay (Faadumo Max’ed Afrax) afartaan waa isku bah.

Ma ay dhicin in maatadii Caalim Jimcaale uu ka tagay ay hoobtaan sida badanaaba la arko marka Reer Xidigiisu dhaco. Waxay bilabeen is urursi, wada tashi iyo dhaqasho aan ka heer hooseyn tii Reer Caalim Jimcaale lagu yaqiin intuu Odagu noolaa. Xilliyada ku beegnaa waqtigaa Reer Caalim Jimcaale ay ku jireen tanaad waxay ahaayeen xilliyo Barwaaqo xooglihi jirtay waxaa di’I jiray Roobab aan turxaan reebin oo xoolahii barqo dherag ka dhigay. Dadku waxay ku caweynaayeen Caano iyo Hilib iyagoo Docda Subag buuxsaday.

Sida caadada Soomaaliyeed tahay Barwaaqadii iyo farxadii ay keeni jirtay maywada socon. Dareenka dadku waa taagnaa. Qalabku waa afeeysnaa farxad wajigooda kama muuqan. Dhaguhu dhiilo ayay sugayeen> Gurmad iyo is urursi joogta ah baalagu jiray. Ficil kasta waxaa ka dhadhamineysay udiyaar-garwo Dagaal iyo Daafaca Naftoda iyo nafta inta ay isku Beesha ka tirsan yihiin.

Arimahaas sida aan wada garan karno waxay ka soo ifbaxeen qala-laasihii Dalka ka taagnaa ee ka dhashay Duulimaad yadii Isticmaarka Reer Yurub iyo kan Madow ku soo qaadeen Umada Soomaaliyeed iyo is hortaagii mintidka ahaa ee ay Dadlka Soomaliyeed kala hortageen. Waxaa kaloo jiray kooxo u gacan galay isticmaarka oo dhibaato la dhex joogay Dadka Soomaaliyeed. Waxaa kaloo abuurmay kooxo qowleysato  ah oo boob iyo dhac joogta ah Dadka ku hayay. Arimahaas oo dhami waxay carrigii Reer Caalim Jimcaale Degganaayeen ka dhigeen Goob Dagaal oo aan nabad iyo xasilooni oolin.
Geedigii Ilmo Caalim Jimcaale

Dhibaatadaas waxay ku qasabtay Ragii uu dhalay Odeyga in ay talo isla gorfeeyaan, dood iyo Ra’yi isweydaarsi ka dib waxay meel isla dhigeen in Reeraha la raro oo la geeyo Deegaanka Garas – Cadaad oo ka tirsan Degmada Ceel- Dheer, halkaas oo lagu sheegay Nabad galyo iyo Dalsami. Tan kale waxay isla meel dhigeen in Raga qaarkii ku haro halkiisa si ay gacan uga geeystaan halganka lagula dagaalamaayo isticmarka.

Sida Soomaalida caadada u ah marka amuur xoog leh lagu talaabsanaayo waxaa qasab ah in Qur’aan  badan la akhristo, la duceysto, nabaadiina  xirna lagu soo gunaanado.Reer Yuusuf Caalim iyagoo taa ka amaba qaadaya waxay qaleen Xoolo badan oo Geel, Lo iyo Ariba leh. Waxaa dhir loo waabay Culimo badan oo Diin iyo Digriba sida roobka u shubay. Yuusuf Caalim wuxu ahaa Nin fiiro dheer oo aan dib nihiisu qosol badan aqoon.Wuxuu ahaa Nin Goloyaasha ku hadal badnayn, hase ahaatee ra’yigiisa loo guuxo. Badanaaba Bulshada kama dhex bixi jirin, wuxuuna caan ku ahaa in uu dhageysiga badiyo. Yuusuf Dadkii yaqaanay waxay ku sheegeen in uu balo ku qabay fardo fuulka, boodada, orodka, tuurmada warankana aan lagaga daba dhifan jirin, wuxu ahaa dagaal yahayn weyn oo xabadiisu dhulka dhicin.

Ilmo Caalim Jimcaale iyo Reero kale oo ay xigta ahaayeen waxay howl badan iyo sahay urursi ka dib u diyaar garoobeeyn geedigii. Waagii baa baryay. Waa dabayaaqadii 1912kii. Awrtii waa rarnay, Xoolihiina ooda laga rogey. Geedigii wuu  dhaqaaqay. Waxaa la qaaday talaabadi socodka dheer ka bilaabaneysay. Dadkii waa is daba galay. Awrtii waa laysku xiriirshay. Dhawaaqii toosinta ahaana dhan walba ka yeeray. Fadalkii siiguu kacshay Cirkiina Ceeryaamaa qarisay. Xowliga socodka waa kordhayay. Dad iyo duunyana iyadoo sanka lasku hayo baa talaabadii la shubay. Halkaasi waxaa ka bilowday Geedigii Ilmo Caalim Jimcaale qaarka mid ah oo uu hogaaminayay Yuusuf Caalim ( Gobdon ) ay ku tageen nawaaxiga Ceel – Dheer in kastoo talaabo la qaaday waxay mudan doonto la ogeyn, hadana Geedigani ma aheyn mid mugdi gudaya ee wuxuu ka shidaal qaadanayay sheekooyin uu ka heystay Geediyo badan oo ambabaxay u kicitimay  nawaaxiga Ceel – dheere,sida la xaqiijiyay Geedigaa iyo kuwo kaloo ka horeyay,Ceel – Dheer waxay ugu tageen Barwaaqo xoogleh. Waxay ku furteen dhul xoolaha iyo saraca u wanaagsan Dadka Soomaaliyeed oo Soo dhaweyn wanaagsan ay ka heleen. Waxay isgarab waadeen dhaqashadi xoolaha iyo Beero ay ka tabcaan miro ay ka mid yihiin Gelleyda, Masago , Digir Iwm oo falashadooda ay ka barteen Reer guuraagii nawaxigaa deganaa.

Bilowgii 1913kii, bay Reer Yuusuf Caalim oo ku magac dheeraa ( Gobdon ) soo degeen agagaarka Garas- Cadaad oo deegaanka ku dhow dalsan yahay waxay ku soo fureen Geedigii.
Markiiba waxaa bilowday Deyr si fiican u qabtay nawaaxiga Ceel - Dheer barwaaqo baa la helay nimcadii cid waliba waa gaartay dadkii iyo xoolihii,  dihaalkii geediga  socodka dheeraa waa ka ba’ay maamoodeyn in ay talaabo qaadeen.

Gu’ iyo Deyr mid uu ahaadaba mar haduu deeqda ilaahay keeno Dadka howshu waa ka yaraataa, Xoolo waraabka, Dhaanka, Ood jiidida,, geediga, iyo Iwm waa yaraadaan. Alla tuugga, Ciyaaraha, iyo Booqashadu waa bataan. Farxaddu uunka oo dhan waa ka iftaa.

Gu’gii oo dhan wax caano lul lagu jiraba waxaa dillaacay Jiilaal. In kastoo Jiilaallkaa kululaa haddana Dhulkaa Cows lahaa iyo Ceelasha  nawaaxigaa oo ahaa laasas, fadhi ku cab ah baa suurto galiyay in ay beeshu dareemin dhibaatadii jiilaalka


Jiilaalkaas Madiina Iidle waxay leedahay Uur sid- kiisii go’ay, aad bay u cusleeyd, in kastoo sid-kii carruurtii hore dadkii yaqaanay ay fudeyd ku arki jireen hadana culeys aan la qiyaasi Karin baa fulay. Lugihii iyo gacmihii baa bararay. Bishii sagaalaad Markey mareyso bay kici weysay. Dadkii jeclaa iyo qaraabadiiba gurigeeda bay ka fogaan waayeen, Illaahow mar uun kala keen baa lagu duceystay.

Yuusuf marwadiisii uu jeclaa fool tahay oo  markaana aad ula ildaran baa fadhi iyo jog midna qaban waayey. Kolba dhan baa u cararay. Culumo ayuu soo dul fadhiisiyay. Dhowr neef  intuu soo qabtay oo bisinka ku boobay gowrac mariyay.

 Cuntadii la cun. Qur’aan iyo Ducaba Madiina loo hibee. Fooshii kululaataayoo sii darsatay, ilaahay axadka ahaa Naxariista lahaa ku kala keen.loogu ducee Madiina. Waa Wiil mar  laysla yiri. Yuusuf Caalim oo aan horey ugu dhalan Wiil,  Gabdho mooyee baa hadana xoolo kale bisinka ugu boobay oo birta dhiiga u daray Farxad daraadeed,,kuna dhawaaqey waa Max’ed. Isagoo farxad cagta la dhigi la’, baa yiri Ilaahay Axadka ahaa ee aan baryay in uu sid-kan Madiina iiga dhigo Wiil laguna magacdaro suubanahii naxariista  Eebbe korkiisa ha ahaatee. Alle baryadiisa ajiibi ogaa, Illaahow waa mahaddaa.

Yuusuf Caalim oo ku magacdheer Gobdon wuxuu ahaa Odey Ahlu dariiqa ah, wuxuuna markii ugu horeysay dariiqada ka qaatay Xaaji Aadan Max’ud Guled oo ku Magac dheeraa
( Xaaji Aadan Yare) oo ay xigto ahaayeen.  Wuxuu kaloo  ka dib la kulmay ٍSheikh Cali Maye oo misna dariiqada ka qaatay. Ilaahay intuba Naxariistii haka waraabiyo.

Barbaarintii Maxamed Gobdon

Maxamed Gobdon wuxuu ifka markuu yimid indhaha ku kala qaaday isagoo dul yaal dhabta hooyadii ee naxariista badan. Waxaa taa u wehelisay ayeeyadiis hooyo oo iyaduna wixii jeceyl qalbigeedu qaadi karay wiilkeeda u hurtay, intaa waxaa u raacday koolkoolintii abbihii Yuusuf Caalim Jimcaale. Dhallinta qoyska da’ ay ahaayeenba cayaarsiinta Maxamed waxay u ahayd wax howshooda ka mid ah.

Madiina Iidle iyo ayeeyadiis hooyo Suuban Jimcaale Xuseen waxay xooggooda isugu geeyeen nafaqeynta Maxamed si uu koritaankiisa u noqdo mid taam ah. Seddax jirkiisii Maxamed wuxuu ku gaaray isagoo aan habeen ciix oran. Dhismaha jirkiisa labeenta wejigiisa saran iyo firfircooniduu ku cayaarayay waa la garanayay in uu caafimaad ku ekaa oo tabantaabo u dhameyd. Wuxuu waqtigaas dareemay isku xirnaanta qoyska uu ku dhex nool yahay isagoo ay u bilaabatay Casharkii ugu  horreyay ee dad jeceylka iyo naxariista. Waxaa ku dhibcayay oo garaadkiisa koraayay xanxantaynayay naxariista kaga soo burqaneysay Gobdoon Caalim Jimcaale iyo qoyska intiisa kale

Saddex jirkiisii wixii ka danbeyay waxaa aad u xoogeystay xiriirkii isaga iyo ayeeyadii Suuban Jimcaale aad moodaysay in uu horeynayay kii isaga iyo hooyadii ka dhaxeeyay. Wuxuu bilaabay in uu aroortii indhaha markuu kala qaado u cararo aqalka ayeeyadiis oo iyadoo qof u tago mooyaane uu ka soo noqon waayo.

 Maxamed  jeceylkii isaga iyo hooyadii dhexyaalay wuxuu noqday mid u fidaaya sida hooyo iyo wiilkeeda oo Madi lagu yaqiin. Waxay aad uga taxadari jirtay Nafaqadiisa iyadoo aaminsaneyd in cudur haleelayo qofka aan nafaqadiisu heer sarreeyn, waxay kaloo aaminsaneyd in ad-adkaanta iyo howl karnimada qof yeelan karaa ay ku xiran tahay kolba sida loo soo dhiso nafaqo ahaan intuu yar yahay ee aan koritaankiisu istaagin. Waxay kaloo ku dadaashay in ay Maxamed ka barbariso dhinaca Maskaxda.

Iyadoo ku habeysa Diin jaceylka iyo taariikhda ay dhagaha ku maashay waayahey soo martay.Waxay u soo joogtay dhaqanka iyo Deegaanka Dadka Soomaaliyeed iyadoo ugu gubdin jirtay hab sheeko, Ayeeyadiis Suuban Jimcaale waxay ahayd qof daahiyad ah oo aqoonta ay u leedahay Nolosha gaar ahaan tan Soomaalida  aad u ballaarneyd. Waxay ku dhalatay da’na ku gaartay nawaaxiga u dhaxeeya Gal-gaduud iyo bariga Mudug oo Taariikhda Soomaaliyeed hodon ka ah,oo ay ka dheceen arimo  badan oo xusuus reebay. Waxay aad u taqaaney Maanso Soomaali badani tirisay oo ku lug lahaa Alla ka cabsiga jecelka Diinta iyo Nolosha Dadka kolba sida ay u soo abaareysay inta dhaxashana tusaale iyo aqoon u ahayd . Waxay taqaaney Geedo gooynta iyadoo siyaabo kala gedisan dadka u daweyn jirtay cuduro badanna aqoon u laheyd. Aad waxay u qiimeyn jirtay Diinta Islaamka kaalinta hormoodnimo ay ka qaadato qofka noloshiisa iyo dhaqanka Soomaalida  oo ay iyadu aamin saneyd in ay ahaayeen kuwo qofku ku kala sooci kara waxa qumman iyo waxa qaloocan adduun iyo aakhiraba.

Arimahaas oo dhammi waxay ahaayeen kuwo ay isla heyd Maxamed hakaa gudoomo oo u dhameystir sanadaha cimrigaaga ka harey. Waxay bilowday in ay hab macaan oo aan laga xiisa dhaceyn oo Maxamed la da’ ah ugu gudbiso casharradey ku habeysay. Waxay uga bilowday sheeko Caruureed ay ku hanti islaheyd   qalbiga iyo xiisaha Maxamed.

Mudo ka dib waxay ku bilowday dhaqanka Soomaalida sida ay u nool yihiin, waxay dhaqdaan iyadoo goor kasta ku soo gabagabeyn jirtay  geedigii  Garas Cadaad ee Degmada Ceel- Dheer iyo wuxuu ahaa.

Mudooyinkaas oo dhan Gobdon Caalim gacantuu ka geeysanayay Barbarinta Wiilkiisa madiga ku ahaa waxay ahayd tu aad u ballaaran, wuxuu waqti badan siiyay Islaamnimada waxay tahay, Abuuris ilaahay, micnaha Alle ka cabsiga in ay tahay rumeyn dhab ah looyeesho Ilaahii kaliga ahaa ee wax walba Abuuray iyo Liibaanta uu qofku ka gaarayo Aaqiro iyo Aduunka iyo Maxamed siduu ku noqon lahaa wiil u habeysan Daruufaha ay lagama maarmaanka tahay in ay noloshu la kulmayso, wuxuu kaloo uga warami jiray arimo badan oo uu sheeko ahaan ugu gudbin jiray, hase ahaatee cirib ku reebtay garaadkii M. Y. G. iyo Ummadda Soomaliyeed Nolosha ay soo martay iyo waxa kala soo kulmeyn oo dhan marka laga eego wixii ahaa waayo aragnimo tilmaam fican u ah kuwa jira iyo kuwa majaraha tixanaha nolosha la wareegaya.

Gobdon Caalim wuxu aroortii iyo Galabtii Maxamed ku soo wareejin jiray Duleedka Guriga isagoo ku dadaalaya in uu wax yaabo badan oo uu sheegayo aragtidooda ku daro iyo sida ay u baxaan. Wuxuu u sheegi jiray kolba Geedkuu tuso faa’iidaduu leeyahay ee uu Eebbe ku beeray sida harka, daaqa miraha iyo dhismaha Aqal soomaaliga haduu wax kataro. Mararka qaarkood wuxu ku raagi jiray ka sheekeenta dhirta qaarkood, gaar ahaa markey leeyihiin faa’ido dheeraad ah sida Daawada, Daaqa iyo Ilaahii kali ahaa ee wax waliba  Abuuray siduu geed ugu wada kul miyay qori, Biyo iyo Dab.

Gobdon wuxu kaloo ku habeyn jiray Maxamed Aqoonta Xoolaha, wuxuu aad uga sheekeen jiray Xoolaha Soomaalidu dhaqato sida  Geela, Lo’da iyo Ariga fardaha Iwm iyo mid waliba Deegaanka noloshisu ku fiican tahay. Xoolaha iyo manaafacaadkey leeyihin buu mid waliba uga sheekeen jiray wuxuu aad uga dhaadhicin jiray siday isugu xiran yihiin wanaaga xoolaha iyo nolosha dadka, wuxuu tusaale u qaadan jiray in dadku goor waliba u baahan yahay Caano, Subag, Hilib iyo Gaadid ay rartaan isagoo si dadban Maxamed ugu tilmaamaya helitaanka intaas in goor walba ku xiran tahay xannaanada ay Xooluhu helaan iyo Dhaqaalaha loo geysto. Cimilada iyo dhulka waxay ka mid ahaayeen wax-yaabihii Gobdon uu Maxamed ku aanqarin jiray. Ayda, Keynta ayuu uga sheekeen jiray sidey u yaalliin iyo sidey nolosha Xoolaha iyo Dadkaba u saameeyaan.. Wuxu u kala sheegi jiray dhismaha dhulka ee kala gadisan sida Didibka,taagsinta, Buuraha iyo abuurkooda sida uu u kala duwan yahay. Midibada Ciida iyo mid waliba waxa ka dul bixi kara buu wax uga sheegi jiray, Marka uu isku soo duubo wuxuu u tilmaami jiray Deegaanka ku wanaagsan Xool-dhaqashada isagoo goor waliba ugu laraaya Dulanka, Dugagga iyo Dal samida.

Halgankii  Gobdon Caalim Aabe , Madiina Iidle Hooyo iyo Suban Jimcaale Ayeeyo Hooyo ugu jireen barbaarinta Maxamed waxay noqotay mid ifafaalaheedi muuqatay shan jirkiisii. Wuxuu ka nabad galay tumaati cudur oo dhan,- mar saf Dadka ekeysay oo bokooro ku dhacday mooyee. Wuxuu ahaa inan bilicsan oo ishii aragtaaba farxad lamashiiqdo.

Indho yar yar oo fiiradoodu badan tahay buu Dadka ku eegi jiray isagoon wax hadal ah raacin. Badanaaba intuu qoslo buu ka carari jiray Qofkii  hadalka u waday isagoo timo jilicsan madaxiisa ka bood-boodanayaan.

Geeridii Yuusuf Caalim

Qoyskii Yuusuf Caalim ee deganaa nawaaxiga Cadale oo ahaa dhul qabow iyo Daaq wanaagsan leh baa afka ku soo kala qaaday jiilaal kulul Dadkii iyo Duunyadii waxaa laga fursan waayay in geedi loo tabaabusheeysto oo Xoolaha iyo Dadkaba loo digo rogo. Maalintii ugu horeysay wuxuu geedigii ku hakaday Labi – Saar, hadana aroortii  ayuu saanta shubay. Geedigii intii lagu jiray maalinba maalinta ka danbeysay waxaa sii daciifayay  caafimadka Yuusuf Caalim, taa darteedna Odugu wuxuu ka fursan waayay in uu reeraha dhigo oo ay degaan Caddow Uul, markiina wuxuu bilaabay taah aad u daran.

Culimo uu hogaaminaayo Xaaji Aadan Max’ud Guuleed (Xaaji Aadan yare) oo meel xagga bari  ka xigta Reerka halkey deganaayeen Siyaaro ugu socda ayaa soo dul fariistay Odeygii Yuusuf. kaarkii hayay Xaajiga iyo Culimadii la socotay kolkey Qur’aan  iyo Duco  ku shubeeyn baa Xaajigii gartay in uu Yuusuf sakarad yahay.Wuxuu faray in Carurtiisa loo yeero Maka, Maxamed, Xalimo iyo Xabiiba iyagoo Indhahoodu Ilmadu qarisay bay soo ag istaageen. Xaaji Aadan Yare ilaahay haka raali noqdee gacmaha ayuu  kor u taagay duco dheer buu laqbeeyey, dhammaanna waxaa laga wada lahaa Aamin Awoowe.

Xaaji Aadan iyo Culumadii wehlisay gudbe oo u sii ambabaxe siyaaradii ay ku socdeen xaggeeda iyadoo Xaajiga wajigiisa ay ka muuqato tiiraanyo kuna darsadey dhawaaq li’I, laakiinse qalbiga ka leh samir iyo Iimaan, afkala qaadna ku yiri Culumadii dhaqso ayaanu reerka ugu soo laabaneynaa.

Xaajiga iyo Culumadii waxay qaadeen tallaabo oo aan aheyn miduu Xaajiga caadada u lahaa oo tani xowligeedu dheereeyo. Culumadii waxay isla dhax-xuleeyn Xaajiga ma waxaa la tusay Geerida Yuusuf Caalim oo wuxuu doonayaa in uu siyaarada soo guto deg deg ugu soo laabto reerkan?

Culumadii uu hogaaminayay Xaaji Aadan Yare intaani librin oo uu muuqaalkoodii siimuuqdo Yuusuf Caalim uu neef daayay.

Waa geeri culus, waa geeri naxdin leh, waa geeri baryahaanba beesha heysatay oo kaneeco sababtay, dad badanna godka u jiiday.

Reer Yuusuf Caalim geerida ku timid Aabahood oo ku magac dheeraa  Gobdon ugama duwaneyn Cirkoo jab ka soo dumay. Xoolo iyo Dadba tabantaabadiisii bay tabeen . Geeridiisii iyadoo aan wax qumman laga joogin baa diifi muuqatay. Fartii la qaadaba in uu ku larnaan jiray baa la dareemay. Madiina Iidle kaalintii Hooyo iyo Aabe baa isku mar ku soo fakaday. Ururintii iyo is xil-qaakii uu xigtada iyo tolka u hayay baa gabaabsi noqday. In uu nafteeda iyo ubadkaba ileys u ahaa bey qirtay. Waa nasiib, waxayse aamin saneyd in wixii yimaadaba iraado Ilaah  yihiin,shurki naqna mudan yihiin.

Geeridii Yuusuf Caalim waxay tumaatidii ugu weyneyd ku dhufatay Maxamed Gobdon oo markii ugu horreysay arkey dadkuu jeclaa ee kal gacaylka ku soo ababiyay mid ka mid ah oo xabaal loo sido.

Eheladiisii la laayay iyo kuwii kale ee bas u dhintay ee looga sheekeyn jiray baa wada hor yimid xanuunka geerida buu dareemay .

Aabe tag, soona noqon maayo baa la cuslaatay. Iilkii markii la dhigay ee ciidii lagu rogay buu suuxay. Waxaa laga soo qaaday xabaasha qarkeeda. Dhowr habeen iyo maalmo buu oohin iyo qarow ku jiray. Maxamed wuxuu kolba hantaaqaba Geeridii Aabihii bilo ka soo wareegay.

Foolkiisa iyo farxad waa is daayeen.Fir- fircoonidii ka muuqan jirtay baa dantay. Ag -joogiisa diirimaadkuu dhali jiray baa dadkii waa weynaa tabeen. Qamiirsanaan iyo qoor-jab buu ka bixi waayay in kastoo Hooyadii iyo Ayeyadiis isku dayeen inay geeridii ilowsiiyaan, hadana wax weyn kama bedelin. Aroor iyo  fiid qabrigii buu ka-ag dhaqaaqi waayay.

Maxamed Caalim oo ku magac dheeraa Jiisow oo ay Yuusuf Caalim ( Gobdon)  isku hooyo ahaayeen oo geeridii Yuusuf uu ku wargaliyay Xaaji Aadan Yare kulana taliyay in uu agoonta si dhaqse leh ugu soo dhex celiyo  xigtadooda ayaa gurmad ku yimid halkii ilmo yuusuf yiileen isagoo diif ba’an ka muuqato uguna wacneyd murugada geerida naxdinta leh ee walalkii iyo xilka lama filaanka ah ee kaga soo aaday ee toos u taabanaya ururinta Maatada uu walaalkii ka tagay siiba Agoonka misna Madiga ah  Maxamed  Gobdon.

Jiisow Caalim markuu arkay dhibaatada maatida Yuusuf Caalim ka muuqata iyo Maxamed tiiraanyada ay u leedahay ag -deggnanta qabriga wuxuu si deg deg ah xariga ceynka ugu jiiday geedigi reer Yuusuf Caalim ay ugu noqonayeen Murcud, Diiraanle iyo Goof – Yuub oo intuba ka tirsan degmada Xarardheere.

Dareenki Maxamed Gobdon

Wuxuu dareemay Maxamed Gobdon in reer Yuusuf Caalim xilkoodii cidla yaal, wuxuu arkay in imminka wixii ka danbeeya howl waayeel looga baahan yahay uusan ogeyn halkii uu ka bilaabo lahaa.

Maxmaed Yuusuf ( Gobdon ) daeenkii naxdinta lahaa ee ka muuqday gabashaha walaalihii ahaa Mako, Xaliimo, Xabiibo iyo hooyadii Madiina Iidle waxey taabsiiyeen iney waayeen hagoogtii dhibaatada oo dhan ka illalineysay oo ay imminka cilda taagan yihiin, wuxuu kaloo ogaaday in xoolihii Yuusud Caalim beylab halis u yihiin haddaan gacan ururisa soo bixin. Markii ugu horreysay wuxuu dhadhamiyey micnaha ereyga Agoon xanbaarsan yahay.

Maxamed Gobdon wuxuu is dareensiiyey in laga sugayo inuu iska dhigo nin weyn oo reerkooda Odey u noqda. Waa caado miyi in Xoolaha gaar ahaan  Waxaraha  ay Ilmahoo weli sabi ah ku beeraan ad adeyg iyo isla weynaan uu isku dayaayo inuu ka qeybgalo nolosha midab dagaal ee miyi joogto ku ah.

Waxaa laga yaabaa  qofka aan miyi aqoon u laheyn la irkigo marka loo sheego in Caruurta afar jirkoodaba maqasha loo diro oo ay raacaan, lix jirka ariga lagu aamino, toban jirka uu yahay mid geela dareersha oo soo hooya, waa howl labaatan jirka magaalo ka maagi lahaa, waa howl ka dhalatay qaabka nololeed ee miyiga ee u baahan in gacan waliba howl ku jeedo, taas ayay tahay mida keentay in uu miyiga ku bato guurka iyo Alla barriga caruur badan.gaar ahaan wiilasha waayo hantidda iyo Xoolaha col si sahlan kuma qaadi jirin kumana dhici jirin

Wuxuu Maxamed Gobdon la soo baxay is xilqaan dheeraad ah oo aad moodo  in uu da’diisii ka madax taagan yahay. Hadalkiisa iyo wax qabadkiisa waxay yeesheen midab odeytinimo oo leh waji daboolaya daryeelkii Caruurta iyo Hooyadii. Waxaa siyaaday degenaantiisii oo miisaan u yeelay wax qabadkiisii. Wuxuu la soo baxay firfircooni wada dabooshay howshii kaga aadaneyd Xoolahooda iyo qoyska Yuusuf Caalim. Qaaraan,  mag, sooryo iwm, marka looga baahdo Xoolaha Yuusuf Caalim waxay ahaayeen kuwo laga tala galiyo Maxamed Gobdon oo uu ra’yigisa ka dhiibo.

Xoolaha oo dal wanaagsan iyo dulin la aan helay waxay noqotay mid tarantoodii iyo manaafacooda ooda haraatiyay. Dadkii nimcadaas waxay gaarsiisay nolo wanaagsan oo gaajo iyo darxumo ka fog.

Barwaaqo iyo dherag aan heysan nabad waa cuqubo. Reeruhu marna dhinacooda dhulka si fiican uma qaban oo hurdo macaan lama ledin.
Hubku waa diyaarsanaa. Xoolaha siiba geela rag la’aan lama dareerin. Dardaaranka, wardoonka iyo ilaaladuba waxay ahaayeen joogto. Arimaha nabada cirka ku shareeray mayareen. Gumeysiga Talyaaniga iyo Ingiriiska marba mid baa awoodiisa ku tijaabinayay xoolo raacatadaa tabartoodu kooban tahay . Mar waxay ku imaan jireen ilka cadeyn iyago doonaya dad ay askar u qortaan, marna waxay ku imaanayeen cid baa nalaga dilay oo mak baan dooneynaa oo geela xareesanaya. Marka kale waxay aheyd iyagoo guraaya koodi ay dadku ogoleyn oo dhali jiray dhac, dil iyo qax, yaa qiyaasi kara, yaa soo koobi kara dhibtii gumeysiga.

Waxaa kaloo jiray weerarro ka imaanayay dhinaca gumeysiga Madow oo ka qalaf sanaa kan caddaanka. Iyagu farday ku socdeen dagaalkoodu waa mid aan ujeedo hoggaamineyn ciribtiisuna
qiyaasneyn sil kiisu waa xoolo dhac, rag laa , dumar iyo caruurtana ka xeyso oo addoonso, dhibtoodu waa ka cusleyd, waa ka balaarneyd, waa ka aayo xumeyd tan aadanaha kale.

Labadaa qolo mid aan ka tirsaneyn dhibaatadooduna ka yareen oo midab kasto leh baa iyaguna jiray. Waa shufto weerar u taagan oo xoolo boob ah. Ilaalo ma aragto, lagama diktoonaan karo, haddey doonaan mar waa marti oo xoolo ayaad u qaleysaa habeen barkiina geelay dareersanayaan.

Iyadoo lagu jiro xaalada sidaas ah Maxamed Gobdon oo madax u noqday reer Yuusuf Caalim,waxaa la soo gudboonaatay laba arrimood oo culculus:
1. Midi waa: inuu hoggaanka u qabto qoyskii uu ka tegey Yuususf Caalim, dad iyo duunyo daadihiyo, daallin dad iyo dugaag bahalna kala diriro, daaq xoolaad iyo daryeel dadna ugu dadaalo.
2. Arrinta labaadna waa: inuu oofiyo dardaarankii Aabihii una guntado barashada Diinta Islaamka.
Labo markuu isu miisaameyna waxa in badan cuslaatay barashadii Diinta Islaamka, waayo iyadoo dardaaran waalid iyo talo waxgarad labadiiba meesha ku jiraan waxaa kaloo ka sii culus amarkii horreeyey ee ka yimid xagga Allaah, markuu ku yiri: Aayadda (122) ee suuradda (Towba).

(وماكان المومنون لينفروا كافة فلولا نفر من كل فرقة منهم طائفة ليتفقهوا في الدين ولينذروا قومهم اذا رجعو اليهم  لعلهم يحذرون )

Beeshii kasta ee meel ku wada nool waa inay koox iyaga ka mid ahi ay Xeraystaan si ay Diinta si fiican ugu soo bartaan, markay noqdanna ay kuwo kale qoyska iyo xigtada ah wax u baraan.
Sidaa darted Max;ed Gobdon wuxuu go aan saday 12 jirkiisii inuu Xireysto
Qoraagan Buuggan mar uu  ka wareystay sida uu wax barashada ku bilaabay wuxuu yiri : ( shan 5 sano markaan gaarey baa Aabbahay dugsi igu daray uu macallin ka yahay. Sheekh  Axmed Diini, Maamulana uu ka yahay Sheikh Maxamed Yaxye.. Toban 10 sano markaan jiray baan xasuustay dardaarankii Aabbahay oo ahaa (Diinta ayaan kugu xukumay Diintaa ku noolaaneysaa, Diintaa Aaqito iyo Aduunba ku anfaceyso.
Wuxuu kaloo intaa iigu daray haddad ka tagto Diinta qabrigii qiyaamaha ayaan kugu sugayaa.
Sidaa darted waxaan soo raacay culumo  uu hogaaminayo Xaaji Aadan Max’ud Guuleed ( Xaaji Aadan yare)  oo iila meel joogay Aabahay maalmo yar markaan joognay Xamar baan u gudubay Magaalada Marka halkaas oo aan tacliin ka bilaabay oo uu Xaaji Aadan yare gacanta ii galiyay Shiikheygii Max’ed Cali Maye .
Kolkaa ka dib oo aan mudo joogay ayaa waxaa igu cuslaaday iguna adkaaday noloshii Magaalada Marka . Sheekh Max’ed Cali Maye oo arkay in Magaalada nolosheeda igu adag.tahay

Diin doon ah oo Xamar u soo socota. Maalmo markuu joogey Xamar  baan u gudbey Marka, halkaana tacliin ka bilaabay oo ku xirmay shiikhaygii Maxamed Cali Maye.

Marka oo nolosheedii igu adkaatay shiikhaygii wxuu ii so idmay Xamar inaan waxbarashadaydii ka sii wato, wuxuuna I soo raaciyey sheikh Aadan Abtidoon oo Shiikhu la soo dardaarmay.

Nawawiga ( Xadiiska ) waxaan ka akhristay Shiikh Aadan Axmed Abtidoon. Axkaamta waxaan ka akhristay Sheekh Maxamed Shiikh Muxyidiin oo ku magac dheeraa ( Macalin Mukhtaar),Tafsiirka waxaan ka akhristay Sheekh Aadan Cawlyahan.

Naxwaha waxaan ka akhristy Shiikh Maxamed Shiikh Timacadde. Caqiidada waxaan ka akhristay Sheekh Maxamed Fiqi Yuusuf .

Culayska Casharka (1)

Maxamed Gobdon Xoolo lama iman Xamar, Xoogsi lacageedna kama bilaabin. Wuxuu ahaa nin naftiisa u soo xiray wax barasho keliya wax kalena aan u jeedin, una bareeray inuu fool ka fool u qaabilo wixii dhib ah ee ka soo gaara Jihaadkaa wax barasho. Taasoo waafaqsan xadiskii Nabiga Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa ha ahaatee. Markii isga iyo saxaabadu ay ka soo naqdeen Dagaalkii seefta iyo waranka ahaa ee ay la galeen gaalada ayuu yiri Nabigu: N.N.K.H ( Waxaan ka so noqonay Jihgaadkii yaraa,, waxaana u soo noqonay Jihaadkii weynaa oo ah la dgaalanka Nafta iyo Sheydaanka). Xadiiskan dhexdiisa waxaan ka aragnaa in tarbiyeynta nafta iyo toosinteeda ay ka dhib badan yihiin dagaalka xabbadda ah, sidaa darted Maxamed Yuusuf ( Gobdon ) wuxu ku talagalay inuu wajiga ku diiro dhibaato kasta oo ka hor timaada inta uu wax barashada ka gaarayo heerka uu rabo.
Nin kasta oo xernimo u go’a  wax yaalaha uu u baahdo waxaa ka mid ah:
1.   Quud uu ku noolaado
2.   Hooy uu seexdo
3.   Dhar uu huwado
4.   iyo kutub uu wax ka barto intaasna waxa ka dheeri ah wixii arrimo Caafimaad ku saabsan.
   Xerta u go’doonta wax barashada waxay u kala baxdaa sadded qeybood

1.   Rag ka dhashay dadka deggan beledka ay wax ka branayaan, sidaasna wax la qaba dadkooda.
2.   Rag iyagu qariib ah dhibaatadodana u sheegta muslmiinta deggan beledkaas ay u xeraysteen ka dibna la caawino ama la jilo ama tacaluq .
3.   Rag kale oo iyaguna qariib ah dadkana ka xishooda oon cinda u dan sheegan, waxaana qaybtan dambe ka mid ahaa Maxamed Yuusuf Caalim ( Gobdon).

Qaybtaa saddexaad ee Xerta ka mida waxaa hooy u ah Masaajidka, Dharka marka uu duugoobo waxay u dirtaan dadkoodii meesha fog jirey dhar kale , waxaana loo soo dhiibaa maryo, Cuntose cidna kama sugaan. Taas oo waafaqsan Aayadda Qur’aanka ee lambar ( 273) ee suuradda ( Al-baqara)

(للفقراء الذين  احصرو في سبيل الله  لايستطيعون ضربا في الارض يحسبهم الجاهل اغنياء من التعفف تعرفهم بسيماهم لا يسئلون الناس الحافا وماتنفقو ا من خير فان الله به عليم)

Culayska Casharrada (2)

Ninka wax barasho mooyee shaqo kale ka jaray caloosha, naftana u huray cilmi raadis, waa inuu casharrada bilaabo marka laga baxo salaadda subax.

Maaddo waliba iyadoo leh culeyskeeda gaar ahaaneed, markaan tusaale u qaadanno Qur’aanka Kariimkaah halkii casharba waxaa la fasiraa xisbi rubuciim waxaana lagu lafa guraamuddo dhan laba sanadood.

Markaa ka dibna wuxuu daalibku ka qayb gala casharoo kale oo axkaan ah, sida, Minhaajka, ama maaddo kale. Markaa ka dib waxay xertu dib ugu boqdaan chasharradiiay Shiikha ka dhegeysteen iyadoo ninba mar sharxayo inta kalena ay dhegeysanayaan, ka dibna waxaa loo kacaa salaadda Duhur, marka laga baxana waxay boqaan intii u dhinneyd ee aanay weli raacan.

Iyagoo aan weli nasan waxaa loo kacaa salaaddii Casar. Markaa ka dibna wuxuu Shiikhu bilaabaa casharradii galabnimo, waxana caado ahaan lagu garaa salaadda Maqrib. Ka dibna waxaa loo kacaa salaadda Cishe, markaa ka dib xertu waxay shitaan wixii ay heli karaan ee iftiin leh sida xaabo ama qoryo waxaana raaacasho ugu noqdaan casharradii subaxnimo iyo kuwii galabnimo labaduba, waxay seexdaan in yar oo ah habeenka nuskiisa dambe. Ka dibna waxaa loo kacaa salaadda Subax, marka laga baxana waxay u bailaabantaa shaqadii habkii joogtada ahaa. Raga habkaa wax barashada kuwadeyna waxaa ka mid ahaa Shiikh Maxamed Yuusuf (Gobdon).

Waxbarashada habkaa ku socotana wuxuu wadey muddo ka badan toban sano, wuxuuna cilmiga ka garay ama aqoonta Shareecada Islaamka heerkii ugu sareeyey ee ay xertu wartigaa ka gaai jireen barashada Diinta Islaamka.

Inkastuu barashada Diinkta Islaamka maqaam sare ka gaarey Maxamed Gobdon, marnna cilmi daalib kaka daalin ee wuxuu bilaabay inuu nin kasta oo cilmi lagu sheego ama ahlu karaamo ah halkiisa ku doonto oo ugu tago si uu cimli iyo caqliba uga faa’iideysto ilaa uu ka mid noqday culimada waa weyn ee la aqoonsan yahay.
Iusagoo ku socda xikmadii ahayd: “Laba Nin Midna Ma Dhergo”.
1.   Nin cilmi doon ah
2.   iyo nin xoolo doon ah ayuu wuxuu ahaa nin aan aqoon caajiska  cilmi baraasita shareecada islaamkana aan ka daalin.
Shiikh Maxamed Cali Maye ayuu la kulmay culima ayuu ahaa. Raggii khallifiinta ahaa mid waliba halkuu degganaa ayuu ugu tegey ,Tasniif ayuu bilaabay, raggii qasaa’idka uu ku xusayna waxaa ka mid ahaa:
1. Sheekh Axmed Bin Idiriis
 2. Mowlaanaa C/raxmaan
3. Sheekh Xasan Macalin ( Xasan Dheere
4. Sheekh Cali Maye
5. Sheekh Macalin Lugoole
6. Xaaji Aadan Maxamuud  Guuleed ( Xaaji Aadan Yare)
7. Macalin Muuse Sacdi ( Yerow  )
8. Xaaji Muuse Sacdi
9. Sheekh Xasan Duubweyne oo uus isna kutub ka akhristay.
Intuba waxay ahaayeen culumo Ahlu karaama ah, Sheekh Duubweyne iyo Xaaji Aadan Yare waxaa u sii dheeraa waxay fasaaxad ku lahaayeen wacdiga.

No comments:

Post a Comment