Wednesday 13 July 2011

AGOONKII CABSIDA EEBBE DUGSADAY.(Qeybta Seddexaad)

                                                Shiikh Cali Cusmaan Naaleeye

Shiikh Cali Cusmaan Naaleeye Illaahay ha ka raali noqdee wuxu ku dhashay nawaaxiga Hobyo, wuxuu xijaabtay 1983dii isagoo da’diisu ahayd 84 sano. Wuxuu ka Diiin qaaday oo Shiikhiisu ahaa Illaahay ha ka raali noqdee Faqiihii Caalimka ahaa ee Gobolkii hore loo oran jiray Mudug markaana ka kobnaa Mudug iyo Galgaduud diinkana aad ugu fidiyay Shiikhul mukarram Shiikh Cali Samatar. Sheikh Cali Cusmana Naaleeye wuxuu kaloo cilmiga Diinta ka qaatay mashaayiikh kala oo fadhigoodu ahaa Gobolkan Banaadir iyo Shabeelaha Hoose. Sheekh Cali sida uu aniga iigu sheegay intuu Goboballadan xernimada ku marayey wuxu aad u dhadhamiyeygaajada waxay tahay iyo xornimo dhibaatada aan la soo koobi karin oo ay leedahay.
Cabdiraxmaan Xaaji Maxamed wuxuu nasiib u helay in Sheekh Cali Illaahay  uga dhigo rixin sokeeye ah, wuxuuna dhalay cabdiraxmaan  sodohdii.Faadumo shiikh Cali Cusmaan Naaleeye Illaahay iyadana Jannadii Fardowsa ha ka warabiyee, wuxuuna Cabdiraxmaan u hayey Jaceyls lala meel dhigi karo Jacaylkii uu u hayey hooyadii dhashay, runtiina waa Hooyo. Halkaan waxaa ku cad in weligaa uu Cabdiraxmaan iyo xaaskiisa u yahay Awoowe lama ilaabaan ah waajibna ay ku tahay xusiddiisa iyo xasuustiisa Cabdiraxmaan iyo xaaskiisaba.
Sheikh Cali intuu uu Diin qaaday ka dib wuxuu ka mid ahaa teer guuraaga dega nawaxiga Hobyo, hanti badan weligii ma yeelan, intuu hestayna ma dhaafsiisneyn Aqal Soomalai, rati uu reerku ku guuro ama uu dhaansado oo xero yar oo intuu Shiikh  noolaa kana yaraan kana badan 4 ( mitir )oo wareega. Wuxuu ahaa sheikh Cali deqsi aad ugug daran ( Sadaqada ) xerada yar ayuuna mar waliba martida Ehelada iyo Culimada intaba uga loogi jiray oo ka sooryeyn jiray

Dadka nawaaxiga Hobyo dega waxay ku tilmamau jireen wadaad karaamo badan waxayna isa soo tubi jireen Shiikha aqalkiisa markii jiilaalku ku dheeraado oo aad dad iyo duunyaba loo kululaado waxayna ka codsan jireen inuu la roob doono.
Sheikh Cali Cusmaan Naaleeye dadkii yiqiinay in badanna imminkaba joogaan waxay qireen mar ala markii uu isu taago salaadda roob doonka in isla markaasi cirku hoori jiray, taana waxaa mar kale inoo qiray Qasiidadan uu Xaaji Maxamed Gobdon ku sanifay Shiikh Cali Cusmaan Naaleeye Illahay intaba raali Allaaha ka noqdee.
Xaaji Max’ed gobdon ayaa ku dajiyay Sheikhan Qasiido dheer oo aan ka soo qaadaneyno dhowr bage :
1.  الهى إغفر لنا والرحم دواما                     لشيخ على إبن عثمان الولى
2.  اللهم إجعل أسرة ناليى                          أهل القرأن والذكر الحكيم
3.  ضريحه فى هبية  القديمة                        طوبا من زاره بالا حترام
KHALIIFIINTA  SAYIDII SH. NUUR XUSEEN
Sheikh Axmed Rufaaci Shiikh Axmed Shiikh Nuur Xuseen iyo Shiikh Cabdiiwaaxid Shiikh Cabdi Shiikh Nuur Xuseen waa culimada majaraha u haya Jameecada Beled Al-Kariim  oo uu asaasay Awowgood Shiikh Nuur Xuseen Illaahay ha ka raali noqdee.

 Sh.Axmed Rifaaci Sh. Axmed         Sh. C/wahaab Sh. Cabdi Sh. Nur Xusen Sh.Nur Xusen                         

Culumadaa kor ku xusn iyo kuwa kale oo fara badan oo ahlu karaama ah waxay ahayeen kuwaan ka faruqi jirin iney fadhigiisa ku soo booqdan Xaaji Maxamed
( Gobdon) oo deganaa degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho  weliba gaar ahaan intii Xaajigu wafaadkiisii uu soo dhawaaday.
Xaaji Maxamed isaguna intuusan dhul dhicin wuxuu ahaa mid Culumada itagana fadhigooda ku so siyaarta, wuxuuna reer Shiiikh Nuur Xuseen ku sanifay Qasiidooyin badan, waxaa ka mid ah qasidadan oo ah tii ugu danbeeysay oo reer Sheekh Nuur ku Saabsan.


بسم الله الرحمن الرحيم
إلهي إغفر لنا وارحم وما طب
                        يقيد الواحد البدر الولي
الوذ به وبالسادات طرا
                        بجيلاني شيخي محي الدين
قطب الاقطاب غوث القادري
                        توسلنا جميع الاتبياء
واهل الله اقطاب البرى      ثبننا ياالهى فى صراط
  القويم  وسنة خير النبي
                        جزاه الله خيرا فى الجنات
اقطاب الاحمدى القدرى
                        حياهم الله فى الحصن المنيع
من السحراء وسوء البغى
                        خصائص ال شيخى نور حسين
خوارق من االكرامات الجلى
                        دعات الله فى طرق الوصال
كال الفادرى الأحمدى
ذريته انوار الأولياء
واقطاب الأخيار الأحمدى
دعاهم الله فى روضات القدس
                        مع التبي الحبيب الهاشمى
زر هم يا صاحبى فى كل وقت
                        خصو صا فى  الأيام المو سمى
سلام الواحد البر الكريم
                        عليهم ما جراى نجم بهى 
شرابهم شافى القلب العليل
                        كشهدالنحل وعسل الصغى
حبيبنا ياإلهى باسرارو ال
                        اقطاب المرشدين الأخمدى
خيارهم من اكابر الاولياء
                        كشيخ حسن إبن مؤمن الاحمدى
طريقة سيدى شيخ نور حسين
            طريق المصطفى خير البرى



Sheekh Xaaji Yuusuf Xasan Sahal
Xaaji Yuusuf Xasan Sahal Allaah ha ka raali noqdee wuxuu ku dhashay nawaaxiga Marka. Caruurnimadiisa wuxuu dhadhamiyay ereyga agoonimo isago weliba madi ahaa.

Sida war suga lagu helay 6 jirkiisa waxaa barbaarintiisii si toos ah ula wareegay Shiikhiisii Shiikh Cali Maye naxariistii Eebbe ha ka warabiyee. Markuu Shiikhu ogaaday xaalka gabankaa agoonka ah ee Yuusuf Yare  ayuu u ueeray Hooyadii oo ka codsaday in Yuusuf Barbaarintiisa ay raali uga noqoto, oggolaashadeedii wuxuu ahaa marxaba Sayidii.

Yuusuf Xasan wuxuu u khidmaynayay  Shiikhiisa ilaa 20 sano da’diisu ka gaarto isagoo kolkii uu ku soo wareegay Shiikh ahaa 6 jir. Waqtigaa ay da’diisii dhalinyaronimo buuxsantay wuxuu heer sare oo loo bogay ka gaaray cilmiga Diinta, Shiikhiisii Shiikh Cali Maye baa si lama filaan u fary Yuusuf Xasan inuu xerta u galo kutubkii uu u akhrin jiray Shiikhu, taa darted wax halkaa ka soo if bacay martabada sare uu gaaray Yuusuf raye isagoo si uu Shiikhiisa ku reyreeyey u laqbeeyey tafsiirka, minhaajka, naxwaha iyo in kale oo la hal maala.

Mudo ka dib Yuusuf Xasan Sahal wuxuu fasax buuxa ka helay shiikhiisii isagoo markaana igu magac daray Qaliif.

Martabada ka dib Yuusuf Xasan talaabadii ugu horeysay ee uu qaaday waxay noqotay inuu buulo Ceel Xaaji ka qodo Ceel Biyo macaan oo hore dadka dega tuulada dhibaatooyin ka heysteen ceel biyo  macaan la’aan taasoo ay ugu wacneyd tuulada oo aan waxba ka fogeyn xebta Bada. ka dib Xaaji .

Waxaan kaloo kitaabkan ka heli karnaa dhaqdhaqaaqii xisbigii S.Y.L. oo la xiriira ka hor taggii gumeystayaasha doorkii uu ka qaatay Maxamed ( Gobdon) iyo u magacawgii xoghayahatacliinta, fidintiisii afka carabiga, doorkii Xaaji Maxamed Axmed Liibaan iyo heeskii ( Axyaa waddani yaa Soomaali aheey ) IWM.

In Xaaji Maxamed Gobdon uu taariikh caam ah ku yeeshay barashada shareecada Islaamka iyo afka Carabiga, sida tafsiirka, Xadiiska, Axkaamt iyo naxwaha iyo inuu baabka tasawufka lug ku lahaa tacsubkana ka fogaa dariiqooyinkuna u sinnaayeen, qasaa’id  badana uu u sanify shiikhyadii iyo culumo kale oo badan sidaa darateed kitaabakan laguma sheegi karo mid ku kooban nin keliya taariikhdii ee waa kitaab xambaarsan aqoon guud, qof kasta waxaan dhihi karaa kitaabkani waa aqoon guud oo faa’idooyin badan leh.

Xaaji Yuusuf  Xasan  isaga iyo Culimo kaloo wehlisay waxay ka lugeeyeen Marka ilaa ay ka tagaan oo ay lug ku gaaraan Marka Al- Mukarama halkaasna uu ku soo gutay Xajkiisii ugu horeeyay.

Xaaji Yuusuf Xasan wuxu xiriir gacaltooyo oo adag lalahaa oo ikhwaanimo Sheekh Nur Xusen Allaha ka raali noqdee. Sheekh Nur Xusen intii uu cudurka Juudaanka u yiilay Isbitaalka Jilib Xaaji Yuusuf Xasan wuxuu ka mid ahaa ahlu karaamadii ku soo siyaaran jirtay Jilib isla markaana gacmahiisa ku dhaqi jiray dharka Sheikh Nur kuna cunta siin jiray iyagoo in badan ay taasi Xaaji Yuusuf Xasan ku kahsan jireen.
Xaga karaamadii uu lahaa, Xaaji Yuusuf Xaasn wuxuu diinta si balaaran ugu fidiyay gobollada Shabeelaha Dhexe iyo kuwa koonfureed ee dalka, waxaana xubintan ina deegsiinaaya Xaaji Max’ed Gobdon oo ay dhan ka ahaayeen ehel dhan kalena ka ahaayeen saaxiibo si gaar ah isu jecel isugna soo hilooba, qasiidadana uu ku sanifay Xaaji Yuusuf Xasan Sahal geeridii ka dib oo ku aadaneyd 1962dii.

Waxaa mahad leh Allihii weynaa ee soo kiciyay  laabta raggii uu doortay ee ahaa owliyada ee hadana ku hanuuniyay dowgii aragtida runta ah gaarsiiyay, markaana ay u gudbeyn koonka weyn ee waasica ah ee macrifada iyo aqoonta dhabta ah, ka dibna gaarisiiyay kal gaceylka caqiidada ah ee xiriirnaaya iskuna xiraaya adoonimada  Alahii axadka ahaa loogu go’o iyo cibaadadiisa daacada u ah ee aan waxba tarrixin. Ragas aan soo tilmaaney hadaan ka dhex eegno ama ka xulano fikirka Islaamka gudihiisa wey badan yihiin, waxeyna aad u hanteen heer sarana ka gaareen dhinac fidinta Diinta Islaamka iyo akhlaaqda Islaamka iyagoo ku sifoobay akhlaaqda teeda ugu wanaagsan, waxay halku dhig ka dhigteen fidiilada.
Raga weyn badan yihiin sida uu noo tilmaamay Imaamul Gasaali Alla ka raali noqdee. Wuxuu yiri ragaasi waxaa lagu gartaa raadkii, fikradii iyo barbarintii ay ka dhexleyn intii ka danbeysay.  

QASIIDADAAN XAAJI  MAX’ED GOBDON WUXUU KU DAJIYAY XAAJI YUUSUF XASAN
اللهم ارحم شيخنا              حاج يوسف ذي المدد
ابن حسن قطبنا                 ابا سيدي أحمد
بسم الله أبد ءها                ثانيا حمد الأحد
تحية الله عليك                  دوما الي سرمد
ثنا ؤكم لمرئنا                   في الفؤاد والكبد
جميل صفات العلا              سخي جواد اليد
حبه فرض واجب               علينا با لمعتمد    
خليفة شيخ علي ميه          وخاصة الأ حمد
داعيا لنا دائما                  ذكر الواحد الأحد
ذروة المجد شيخنا             خيرا ذاكر ألاسد
رحيما قد كان لنا               مثل  والد الولد
زاده الله رفعة                  يوم الحشروالمشهد
سبدي يا أحمد                  صافي القلب سيدي
 شرابك شيخنا                     ابن ميه ذو المدد
صديقا فد كمت له                صا حب الأحمد
ضبحتي فيا ليتني                 ابدا فطار الأمجد
طريقة ابن ادريسي                الفاسي الأ حمد
 ظهرت كرامتها                     كشمس العلا ا بدا
عا لي القددر شيخنا                 عمدتي ومعتدي
غوثنا أغث علي                     الخطيب من جسد
فرحا قريبا وفت                      حا سريعا سيدي
قطبنا يا غوث الوري               غامرة علي الجسد
كريم ابا الكرماء                     كن معي وخذ بيدي
ليث انت كيف بو                     ذينا الذئاب والقرد
محمدكم قد أتا                        مدحا جيدا منشد
ناير خير الأنبياء                    بنيابة الأحمد
واحم يا الة الوري                 حاج يوسف المدد
هو الله يا ربنا                       انت واحد الأحد
لاذ عبد بالمعا                      د في القبر والمسافر
يالله يا ربنا                          إغفر ذنبنا سيدي
واهلي ومن إنتمي                   الآحمدسدد
وصلاة الله علي                      المصطفي الي الآبد
وآل وآصحاب اه                       ل البقيع والفرقد
ومن بايعو آحمد                    ا لمصطفي ومن يقتد به
وسلام الله علي                       حاج يوسف ذي المدد



Xaaji Max’ed Gobdon oo xadro Digri ah qaadi ka ah oo Hogaaminaayo


Bixid: 1. Xaaji Maxamed Gobdon   2. Shariif Axmed Shiikh Mukhtaar
3. Shiikh Shariifoow Shiikh Mukhtaar   4. Suubane Sh. Mukhtaar 
5. Sh. Shuuteey Sh. Shariifow 6.Sh. Axmed Macallin
7. Sh. Yuusuf Sh. Shariifoow.

Sheikh Suubane Sh. Mukhtar Sh. Max’ed Cali Maye oo hogaaminaya Xadrada Digriga Isaga iyo Xaaji Max’ed Gobdon labadooda qabri oo isku meel ah waxay ku duugan yihiin ( WAXARA CADE ) Xaafada Huurwaa. 

 
Taa darted waxanu  cadeyneynaa oo misana qireynaa shaqsiyaadkaasi ama ragaas in ay ka mid yihiin Sheekh Aweys Al qaadiri, Sheekh  C/raxmaan Suufi, Sheekh Cali Maye, Sheekh Xasan Duubweyne, Xaaji Aadan Max’ud ( Xasan Aadan Yare ) , Sheekh C/raxmaan Seylici, Sheekh Nur Xasan Sheekh Cali Naaleeye, Xaaji Yuusuf Xasan, Sheekh Xaaji Max’ed Axmed Liibaan, Sheekh Xaaji Max’ed Gobdon, Sheekh Xusen Axmed Darwiish, Sheekh Max’ed Cismaan, Sheekh Max’ud Cismaan Busuri, Sheekh Cismaan Cumar Sheekh Ismaaciil, Sheekh Barqadle Cali Cusmaan, Sheekh Cali Shire Cabdalla, Sheekh Axmed Max’ud Dalmar, Sheikh Axmed Suufi Sh. Shuceyb  iyo rag kale oo fara badan oo aan la soo koobi Karin oo caan ku ah dalkeena iyo dunida Islaamka.
Kooxdaas oo awliyada ilaahay ah ee aanu kor ku soo xusnay raadkoodu ma tirmo, waxaana taas inoo cadeynaya taariikhdooda maanta ku dhex nool Muslimiinta joogta iyo Xadiiska dhahaaya “ Qof kasta oo dhinta camalkiisu waa go’aa sadex mooyee: siduu xabiibkeenii yiri Max’ed Mustafaa (N.N.K.H)

1.  Mid ka taga sadaqo socota
2.  Mid ka taga cilmi cid anfaca
3.  Mid ka taga ubad saalix ah oo u duceeya

Waxayna ka mid yihiin dadka ku sifoobay aayadda Quraanka ee oroneysa ( RAG AANAY GANACSI IYO IIB MIDNA KA JEEDIN XUSKA ALAAH )
Intaas ka dib waxaa ku arki doontaan kitaabkaan magaciisa la yiraahdo ( Agoonkii Dugsaday Cabsida Eebbe ) tilaamo, tusaalooyin iyo dardaarano na soo hordhigaya shaqsiyadii Sheekh Xaaji Max’ed Gobdon Allaha u naxariistee doorkii iyo halgankii Shariifka ahaa uu u soo maray fidinta iyo  adkeynta Diinta Islaamka iyo halgankii gobonimo doonka iyo barbaarintii dhalinyarada Soomaaliyeed intuu dalka marayay waqtigii ugu adkaa ee jir diidmada gumeysiga caddaanka. Ugu danbentii taariikhdii uu ka tagay waxaa ugu weynaa iqlaasnimadii Diinta.

Sheekh Cali Muumin (Saaxibul-Fiqhi)

Sheekh Cali Muumin, wuxuu ku dhashay baadiyaha magaalada Marka ee gobolka Sh/Hoose maalin Jimco ah 16/09/1341, yaraantiisii ayuu Qur’aanka Kariimka ah ku bartay , keddibna wuxuu ardey u noqdey Sheekh Ibraahim Gaashaan oo uu Fiqhiga , keddibna Xamar ayuu u soo wareegay , halkaas oo uu ka sii wadey Barshada Cilmiga, sheekhyadii uu wax ka bartay waxaa ka mid ahaa:-
 Sheekh Cusmaan Macow, Sh. Muxumad Sh. Muxuddiin, Macallin Mukaram, Sh. Abiikar Sh. Muxuddiin,Sh. Cali Yusuf Cambar,Sh. C/raxmaan Ow Cumar(Sh.Cabdi Celi) iyo mashaa’ikh fara badan iyo Sheekhii dariiqadda qaaddiriyada Sh. Muxuddiin Celi.
Sheekh Cali Muumin isaguna wuxuu ka mid ahaa Culaa’uddiinkii kaalinta weyn ka qaatey fidinta Diinta Islaamka wuxuuna ku dhex jiray howshaas 47 sano.
Sheekh Cali Muumin iyo Xaji Maxamd Gobdon waxaa ka dhaxeeyay xiriir aad u weyn oo la xiriiray fidinta Diinta Islamka , si aad ah ayeyna isu jeclaayeen.

بسم الله الرحمن الرحيم

اللهم صل وسلم علي                          حبيبي محمد عليه السلام
تشغل قوم بالدنياهم                           وقوم تخلو لمولاهم
وطورا يناجونه سجدا                        ويبكون طورا خطاياهم
فلايعرفون سوي ربهم                        ولايحزنون ببلواهم
فالزمهم باب مرضاته                         وعن سائر الخلق اغناهم
يصفون بالليل اقداهم                          وعين المهيمن ترعاهم
اذا زين الناس اسواقهم                       فسوق المحبين نجواهم
بضاعاتهم صومهم بالنهار                   وطول القيام لمولاهم
هم القوم الفازو ملوك الوري                 بصدق القلوب فواللهم
وناداهم مرحبا مرحبا                          واهلا وسهلا وادناهم
فطوبي لهم ثم طوبي لهم                      اذا بالتحيات حياهم

Culamaa’uddiinka Somaliya ee doorka weyn ka qaatey  fidinta Diinta Islaamka iyo halgankii Gobanimodoonka oo uu ka mid ahaa Xaji Maxamed Gobdon laguma soo koobi karo dhowr warqadood lagumana soo ekeyn karo taariikhdoodii.

Sidoo kale lama soo koobi karo xusiddooda  xag taariikh iyo xag Xorriyadoon magacyadooda iyo soo hadalqaadka halgankoodii,  waxaanse xuseynaa Tusaale ahaan, Sheekh Yusuf Direed oo rag badan ka aflaxeen, Mowliciisana uu ku yaalo magaallada Dhuusamareeb in bandanna ay u yaqaanaan Jaamacadda Raqeyga.

Sidoo kale Sheekh Cabdullaahi Baardheere oo aan la soo koobi Karin intii ka aflaxdey oo heer jaamicadeed waxbarashada Diinta ninkii doonaya ay xarun u ahyed Baardheere oo meel kasta looga imaan jiray waxbarshada Cilmiga, sidoo kale waxaa xusid mudan afartii Cabdiraxmaan ee DOOY oo uu ka mid ahaa Sheekh Cabdiraxmaan Ibraahim ee reer Diinsoor ahaa.

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa Sheekh Maxamed Faarax oo xaruntiisu aheyd magaalada Ceel-Buur iyo Sheekh Aden Dheere .

Waxaa kale oo ka mid ah Culimadaas Sheekh Muuse Cigalle ,iyo  Mashaa’ikh kale oo badan oo  Culumadaas la mid ah oo dhammaantood dad iyo dalba  ee Somaliya lagu liibaaney. Ilaahey naxariistiisa haka waraabiyo.


Sheekh Macalin Nuur Maxamed Siyaad


Macallin Nuur Max’ed Siyaad wuxuu ku dhashay magaalada Buur calooleey oo ka tirsan degmada Ceeldheer ee gobolka Mudug ee dalka Soomaaliya, sanadku markuu ahaa 1921dii, wuxuuna waxbarashadii dugsiga quraanka ku qaatay degmadaas, macallinkiisana waxaa lagu magacaabi jiray Macallin Max’ud Aadan, iyadoo aabihiis uu geeriyooday isaga oo yar, waxaana soo barbaariyay walaalkiis Xaaji Cabdi kuna dhiirigeliyay dugsiga quraanka, isla markaana uga duca qaaday macallinkiisii quraanka, haddiyadna macallinkiisa u siiyay 24 ari ah, oo u dhiganta 2 qaalmood oo Geel ah. Macallin Nuur wuxuu soo galay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1938dii, wuxuuna halkaasi ka bilaabay in uu furo dugsi lagu barto quraanka kariimka ah, wuxuuna macallin dugsi ahaa muddo gaareysa 66 sanadood.
Macallin Nuur Max’ed Siyaad wuxuu ka mid yahay culimada dalka Soomaaliya aadka looga qaddariyo.
Ka sokow baridda & u adeegga diinta Islaamka wuxuu macallinku xabsiyo u galay diinta Islaamka darted waqtigii dowladdii Kacaanka aheyd ay dalka maamuleysay oo ku beegan muddadii u dhexeysay 21kii Oktoobar 1969kii –  26kii bishii January, sanadkii 1991dii.
Macallin Nuur intii uu noolaa wuxuu gudaha & dibedda dalka Soomaaliya ka furay dugsiyo lagu barto quraanka kariimka ah oo kor u dhaafaya 1017 dugsi kuna yaalla magaalooyinka ay ka kooban tahay dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya & magaalooyinka Nairobi, Jeddah, Riyadh , Cape Town ee dalka South Africa & goobo kaleba.
Sidoo kale wuxuu dalka Soomaaliya ka dhisay goobaha lagu cibaadeysto oo gaaraya 33 masjid & xarumahooda marka lagu daro mowlacyada oo iyagana kor u dhaafaya 70 halkaas oo saldhig u noqotay macallimiinta dugsiyada quraanka.
Macallin Nuur Max’ed Siyaad wuxuu ugu deeqay ummadda Soomaaliyeed dhul gaaraya 350 boos oo booskiiba cabirkiisu yahay 20X20 laguna aaso dadka geeriyooda sida qubuuraha caanka ah ee ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho ee KM 13 ee loo yaqaanno “Qubuuraha Macallin Nuur”.
 SHEIKH CISMAAN  XIDDIG 

Sheekh Cumaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud(Xiddig) wuxuuu ku dhashay Tuullada Ceel dheer oo ka tirsan Gobolka Galguduud oo ku yaala bartamaha Somalaaiya sanadkii 1942kii, Sheekh Cusmaan wuxuu ka mid yahay Culamaa’uddiinka ugu caansan Somaliya, halgan adagna u soo galay inuu diinta islamka aad u faafiyo , wuxuuna soo saarey aqoonyahanno farabadan oo Culuumta Islaamka heer sare ka gaarey, dalka Somaliya iyo meelo kale oo fara badanna diinta ku fidiya.
Sheekh  Cusmaan Wuxuu allafiya kutubo fara badan oo ku saabsan Thaqaafadda Islamka oo ay ka mid yihiin Tusaale ahaan:-

-     التوضيح في شرح اذكار التسبيح
-    
المنتخب في شرح اوراد مرحبا

التبيين في ادلة التلقين

البرهان في جواز الذكر بلفظ هو للملك الديان

اللالي السنية في مشروعية مولد خير البرية

Sheekh Cusmaan Xiddig iyo Xaaji Maxamed Gobdon waxay ahaayeen Culumo ka wada tirsan Dariiqadda Raxmaaniyah , waxayna ka cabeen haruubkii u horeeyay ee Cilmiga Islaamka Skeekhoodii Sheekh Cali Maye oo ku magac dheeraa Sheekh Cali Misbaax ,waxay haddana ahaayeen labada Sheekh kuwo aad isujecel isuna kaashan jiray fidinta Diinta Islamka

No comments:

Post a Comment